Cabdi Qays iyo Hadraawi: Raad-gurayaashii La Raad-gurayey iyo Guushoodii Abaal-darrada ku Dhammaatay.
Ka bilow bidix: siyaad ,Hoos-u-jeed, Hadraawi iyo cabdi Qays
Qeybtii 1-aad ee maqaalkan waxaad ka daalacan kartaan mareegaha ay ka mid yihiin qurbejoog.com iyo boramaonline.com
Mawliid Cali Mataan sidii ayuu hawsha isku gudbinta heesaha Silsiladii ‘Siilnley’ u waday, waxaana wax lala yaabo ahayd, reerkiisa oo Hargeysa dul-yaallay inaanu marna ku leexan marka uu Jabuuti tegayo, iyadoo ay marwalba heegan u ahaayeen cajaladaha uu qaado Maxamed Mooge iyo qoladii fanaaniinta ahayd ee ku hawlanayd hawshan heesaha Siinley. waxa kaloo aad looga jeclaa heesaha Siinleyda laba makhaayadood oo saari jiray habeenkii, midi waxay ku taallay xamar, waxaana la odhan jiray war-dheer , ta labaadna waxay ku taallay Hargeysa, waxaana la odhan jiray Ina-garo w, xiisaha ay dadweynuhu u hayeen heesahan may ahayn wax la soo koobi karo. Mawliid Cali Mataan asalkiisii hore wuxuu ka tirsanaa ciidamada daraawiishta, waxaana lagu naanaysi jiray ‘laba-quwadle’. Waxaanu ka gaadhay daraawiishta laba xidigle, wuxuuna necbaa dadka warwareega, ee aan toos u socon, markuu arkay leex-leexad badan iyo musuq badan, oo uu u adkaysan kari waayey, oo ka dhex jiray daraawiishta ayuu ka baxay.
Isla wakhtigaa aynu ka hadlayno, ee todobaatanadii hortood waxa ku soo caariyey xeebta bariga fog ee Somalia markab wayn, kaasi oo siday qalabka electoric-ga, ee markaa jiray, waxaana laga fadhataystay alaabo ay ka mid yihiin Saacado, cajalado iyo Rikoodho, kuwaasi oo waddanka oo dhan wada gaadhay, iyadoo taasina fududaysay inay si fudud dadweynuhu u dhugtaan una dhuuxaan heesaha silsiladii Siinley ay soo tabinaysay, sidoo kale todobaatanada horaantoodii waxa reer Soomaaliya la jeclaysiiyey fanka iyo suugaanta, waxaad la yaabaysay ruwaayadaha iska daba-dhacaya iyo ruwaayadaha, oo waddanka lagu wareejinayo iyo fanaaniintii iyo abwaaniintii oo la kala jiid-jiidanayo, waxa markaa is-qabsaday silsiladii siinley iyo dadkii oo u heelan suugaanta iyo rikoodhadii lagu dhagaysan lahaa oo meel walba wada gaadhay, inkastoo tushuush lagu furay, oo kuwo qardajeexayey, oo aan waxba ogayn ay soo galeen silsiladda, waxase Ilaahay loogu mahadiyaa Cabdi Qays iyo Hadraawi, oo la kala hallayn kari waayey, oo ay is fahmeen si fiicana iskula jaanqaadeen, muddo sanad horteedana isku mar habeen isku saacad isku daqiiqad lagu ilhaamiyey oo manaam loogu sheegay ‘nafta maad u xidigisaan oo nacab maad iska celisaan’.
Hadii aan waxyar ka taabto inta yar ee aan ka aqaano sifooyinka iyo dabeecadaha Hadraawi waxay tahay, waa nin hadiyo jeer go’ shaal ah, macawuus , kaba sandhala iyo koofiyad qaata, markuu soconayana socod miisaan leh socda, oo aad moodayso inuu dhulka iska ilaalinayo, sidiisana hadraawi wuxuu yahay nin maskax guuraysa ah, oo miyi iyo magaalo iyo guud ahaan adduunweynahaba siday u shaqeeyaan aad u yaqaanna oo illaahay hibo u siiyey, waliba dhinaca suugaanta hibo gaara ilaahay u siiyey sidoo kale, waxa weeye nin aad u jecel inuu dadka dhegaysto oo miyir badan, oo wajigiisa hadiyo jeer farxadi ka muuqato, dhinaca kale Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) waa nin bulshaawi ah, oo aad mooddo adduunweynaha oo dhami inay daba guurayaan , sidoo kale, waa nin kaftan badan oo aqoon badan leh, markuu qoslayana intuu madaxa ruxo, oo uu foorarsado, ayuu gacanta madaxa saaraa, waa nin hurdadu ku yar tahay, waana nin Illaahay hibo u siiyey abwaanino uguna daray inuu ku luqeeyo heesaha, kabankana yaqaanna , laxankana sameeya. sidoo kale waa nin maddaale ah, oo inyar seexda habeenkii. Badhtamihii sideetameeyadii, ayaa maalin waxaanu ku wada qayilnay guri ay Khadra Daahir ku jirtay, waxaana maalintaa sheekadu u badnayd oo uu ku doodayey ‘afkaagu hadduu ku xidho waa inuu ku sii daayaa’, waanu ka tagnay markii aanu qaadkii dhamaysanay, haddana waxaanu fadhiisanay guri u dhowaa, oo fanaanadii Harawo ay daganayd, haddana waanu ka tagnay oo qaad kale ayaanu qaadanay, tagsina waanu kaxaysanay , waxaanu u tagnay qof dumar ah oo kaligeed qayilaysa , abbaaro 11:00 habeenimo ayaanu tagnay, markii aanu fadhiisanay, ee aanu qaadka la soo baxnay, ayey nagu tidhi intay dhaaratay, caawoo dhan waxaan baryey Ilaahay inuu cabdi Qays ii keeno, waabari kudhowaadkii ayaanu ku soo noqonay gurigii Harawo, markaasuu telefoon u diray 5:00 subaxnino abwaanadii Baxsan, wuxuuna igu yidhi Rashiidoow ina kici aan u tagno Baxsan, markaa anigoo ahaa sarkaal sare, oo ka shaqeeya Bangiga Ganacsiga iyo Kaydka , waxaan ku idhi shaqadii baan tagayaa oo sidaasaan uga tegay. Waxaan uga jeedaa sheekadaa inuu madaale yahay, oo meel walba hees uu ku samaynayo, maskaxdiisuna ku mashquulsan tahay wax u muuqda, isagoo si aragti dheer uga fikiraya, waxaad arkaysaa isagoo dhinac ka sheekaynaya dhinacna wax ka allifaya, laakiinse aanu ku dareensiinayn.
Ku soo noqo gaashaanle sare Hoos-u-jeed waxa loogu bixiyey cakis ahaan, inuu yahay nin aad u feejigan oo dareenkiisu marwalba taagan yahay, wuxuu ku biiray ciidamada lixdankii, wuxuuna ka mid noqday qeybtii kamaandowska, waxaana looga dhigay taliye unug ciidankii kamaandowska, unugaas oo ugu qiimo badnaa kamaandowska, oo sahanka iyo ficilka ugu horeeya ragga gaarka, ee soomajeestayaasha ah ayaa madax looga dhigay, dhowr sanno ka bacdina waxa madax looga dhigay ciidankii kamaandowska , waxaana markii dambe madax looga dhigay qeybta sirdoonka ciidanka, hoos u jeed wuxuu guursaday badhtamihii kontomeeyadii waxaanu carruur yeeshay inan iyo inan, xaaskiisiina waxay ku dhimatay muraaradilaac, markii uu ka soo daahiri waayey guriga, oo uu shaqada ku mashquulay, oo uu xafiiska soo dhaafi waayey, inankiisii markii uu waynaaday , wuxuu galay waddamada Yurub mid ka mid ah, wuxuuna iloobi waayey aabbihii wuxuu hooyadii ku sameeyey, sidaasuuna marnaba aabbihii ula soo samayn wax xidhiidha, waxa hoos-u-jeed ku yaraa sifada diinta islaamka, oo aanu ku dhaqmi jirin, waxa qudhaata, oo laga fujin kari waayey, oo uu ku dhajisnaa salaadaha iidda inuu tago, oo aanu marnaba ka habsaamin, oo uu fadhiyo illaa ay qudbadu dhamaanayso, kabacdi wuxuu u tagi jiray inantiisa, waxaanu xaqal ciid u gayn jiray carruurta uu awoowga u yahay, inta kale sanadka umuu tagi jirin.
Sifooyinka uu leeyahay awgeed, ayuu maxamed siyaad barre iyagoo aad isagu dhowaa Hoos-u-jeed, ayuu madax uga dhigay qeybta nabad suggida, ee daba galaysa suugaanta iyo abwaanada, taasoo cusbayd wakhtigaa. Wakhtigiisa oo dhan wuxuu ahaa mar uu warbixin siinaayo cidda ka saraysa iyo mar uu dhagaysanayo wararka la soo tabinayo , wuxuuna ilaahay ka baryi jiray, intaanu dhiman inay inankiisa isa saamaxaan, oo ay wada hadlaan, sidoo kale wuxuu aaminsanaa in xidigta uu jananimada uu ugu gudbayo uu helo, Siyaad Barrena wuxuu hoosta ka qoomamayn jiray wuxuu ugu dari waayey mar horaba golihii kacaanka dhaliyey, ninka sifooyinkaas leh, ee sariirtii yarayd ee ciidamada xafiiskiisa ku seexan jiray, raashinkana askarta ilaalada u diran jiray. Haddaba ninka sifooyinkan leh, ayaa waxa la daba dhigay Cabdi Qays iyo Hadraawi iyo abwaano kale oo la saftay inuu raad-guro hadh iyo habeenba, isagoo adeegsanaya guul-wadayaashii iyo sirdoonkii nabad-suggida ee ciidankiisa iyo 75 dumar iyo rag isugu jira oo la qoray qeybtiisa nabad-suggida wakhtigaa, wuxuuna xisaabiyihii guud uu la yaabay, indhuhuna u soo baxeen miisaaniyadda waaxda uu madaxda ka yahay Hoos-u-jeed oo cirka isku shareertay.
Ku soo noqo safarkii Siyaad barre ee uu ku tegay dalka Ciraaq magaalo madaxdiisa Baqdaad, isagoo u sii dhaafayey waddankii midowga soofiyati, markuu ciraaq ka tegay, wuxuu tegay dalkii midowga soofiyati laysku odhan jiray, waxaana lagu marti qaaday meesha uu madaxweynaha ruushku u fasax tago, oo aad iyo aad loo hagaajiyey loona qurxiyey, waxaanay soo hor-fadhiisteen isagiyo waftigii la socday shirkii markii ay galeen madaxweynihii ruushka iyo 25 maarshaal iyo jannano isku xiga ah, oo ciidamada ruushka ka mid ah, kuwaasoo aad moodayso inay xidiguhu ka daadanayaan, waana halka ay ka yidhaahdaan ciyaalka reer Somaliland aabbaa yaabay, reer xamarkuna yidhaahdaan ‘waa dheeshiisa’, wuxuu la yaabay Siyaad Barre dowladda ugu quwada wayn adduunku siday u danaynayso Soomaaliya, soo dhowayntii ciraaq iyo soo dhowayntii ruushka marka aad isku dartana wuxuu naftiisa ugu sheekeeyey mar hore dowladihii shicibka ahaa ee soomaaliya inuu kala tuuro, oo ay arrintaasi seegtay. Madashaa shirka ee midowga soofiyati waxa lagu sexeexay heshiisyo badan oo dhinac walba leh, oo ay ugu badnaayeen hawlaha milatarigu, wuxuuna la sii yaabay Siyaad Barre hubkii la siinayey soomaaliya oo markaa heshiiska la sexeexayey saarnaa maraakiibta, oo ay diyaar ahaayeen. Wuxuuna is-weydiiyey tababarada ciidanka la siinaayo iyo hubkan casriga ah, wuxuuna xusuustay maahmaahda soomaalida ee tidhaahda ‘ama buur ahow ama buur ku tiirsanow’. Markaa isagoo mabsuuda ayuu waddanka ku soo noqday.
La soco maalinta axadda…….
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email: sulub.raabi@hotmail.com Tel: 0634426781