“Madaxweynaha Qaranka iyo Guddoomiyaha xisbiga labadaba waxan ugu baaqayaa arrintaas inay sida ugu dhakhsaha badan iskaga arkaan.” Maxamed Cabdilaahi
Hargeysa:May,28,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsida Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka dayriyey Xaaladda cakiran ee uu Galay Xisbiga Kulmiye muddooyinkan ugu dambeeyey.
Maxamed Cabdilaahi oo Maanta ka Hadlayey Xil-wareejintii Wasaaradda Ganacsiga, ayaa tilmaamay inaanay Macno samaynaynin is dhexyaaca iyo Guddiyada lagu kala Aargoosanaya ee Labada dhinac Iska Daba magaacabayaan, waxana uu sheegay in arrimahaasi halis keeni karaan.
Waxa uu Maxamed Cabdilaahi Cumar soo jeediyey in si deggen loo soo gunaanado Xurgufta Jirta, isla-markaana meesha laga saaro wax kasta oo lagu kala fogaan karo,
“waxanugu baaqayaa umadda iyo cidkasta oo xisbiga udanaynaysaa in arrimahaas si miyir qabta oo deggen lagu soo dhameeyo, oo arrintu aanay noqon Guddiyo fulineed iyo Gole oo is dhinac socda iyo shirar kale oo is barbar socda Dalkani ma qaadi karo, waana arrin ceeb ah oo aan loo Baahnayn” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Waxa kale oo uu Baaq u diray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo iyagu bud-dhig u ah khilaafka Taagan, waxana uu yidhi,
“Madaxweynaha Qaranka iyo Guddoomiyaha xisbiga labadaba waxan ugu baaqayaa arrintas inay sida ugu dhakhsaha badan ay iskaga arkaan. Arrintan oo dalkan Burburin kartana ay si xilkasnimo leh iyagoo waajibaadkooda qaran gudanaya inay Arrintaas soo dhameeyaan.
Wasiir Maxamed Cabdilaaahi Cumar ayaa xil-ka-qaadistiisu salka ku haysaa Xulafo hoose oo uu la yeeshay Guddoomiye Muuse Biixi oo madaxtooyada lagaga Kacsan yahay,waxana uu si badheedh ah u muujiyey Taageerada uu u hayo in Shuruucda Xibiga lagu socdo, taas oo keentay in Aakhirkii dibada laga dhigo Golaha Wasiirrada.
SDN./QJ
Contact@somalidiasproranews.com