Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka War Bixiyay Safarkiisa Waqooyiga Ameriga Iyo Qaadhaanka Wadada Ceerigaabo
Washington: 28,May,2014(SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayso dhaqaale u ruurinta jidka Ceerigaabo illaa Burco, waxa kale oo uu ka hadlay debaal-degyadii uu kala qayb galay jaaliyadaha Somaliland ee Marayanka iyo Canada.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan dalka Canada waxaa kaloo uu u dammaanad qaaday dadka reer Somaliland ee lacagtooda ku bixinaya qaadhaanka Waddada in aanay lacagtoodu meel kale marayn isla markaana qof kastaaba waxa uu bixiyo sida loo isticmaalo iyo inta ay qabatayba uu ka dheehan karo Wabsaytkooda.
“Waxaanu debbaal-degyadii 18 –ka May aanu kala qayb galaynay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Maraykanka iyo Canada, waxaanan ku soo horraynay Washington D.C halkaana waxaan jaaliyada reer Somalilan ee ku dhaqan kala qayn gallay munaasibadihii loogu debbaal degayay 23 guurada xorriyadda Somaliland, waxaa taa noo barbar socotay qaadhaan uruurinta Waddada Ceerigaabo taasoo meel wacan noo maraysa.” ayuu yidhi Wasiirka Madatooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Waxaa kaloo uu ka hadlay socdaalka uu imika ku joogo dalka Canada iyo waxa uga qabsoomay, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.
“Halkan (Canada) markaanu nimi waxaanu sidoo kale kala qayb gallay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan munaasibadaha 18 May iyadoo qaadhaan uruurintii lacagta wadaduna meel fiican noo marayso oo jaaliyaduhu si weyn isku abaabuleen isla markaana qaadhaan wax badan ka tari karaya wadada ay uruuriyeen..”
Wasiirka Madaxtooyada oo la weydiiyay in Wadada Ceerigaabo cid kale ka caawinayso iyo inay ku kooban tahay dadka reer Somaliland waxay uruuriyaan,waxaanu yidhi “Horta marka hore qorshahayagu wuxuu yahay in aanu annagu isku tashanno oo aanu wax qabsanno isla markaana imika wadada Ceerigaabo waxaanu u haynnaa waa qaadhaanka Bulshada reer Somaliland gudo iyo debadba iyo Xukuumaddu qaybta ay ka qaadanayso laakiin wali cid kale oo wax ku darsatay ma jirto, imikana waxaanu haynnaa ugu yaraan lacag ku filan 100 KM iyo waxoogaa, dhismaha qaybtii ugu horraysayna imikaan bilawnay oo 30-kii KM ee ugu horreeyay ayaa hadda socda.”
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland. Mud Xirsi Cali Xaji Xasan
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo la wediiyay waxa uu ugu ballan qaadayo qaadhaan bixiyeyaasha reer Somaliland ee iska uruuriyay lacagta wadada Ceerigaabo in lacagtoodu wadada Galayso,ayaa ku jawaabay. “lacagtaasi waxay ku dhacdaa akoonno loo sameeyay isla markaana aan wax ku dhaca mooyaane waxba aan laga saarin waxaa kaloo jirta in qofka 100$ Dollar bixiyay uu wabsaytka ka gali karo oo uu arki karo baqolkiisii dollar halka ay ku baxday iyo waxa ay goysay,markaa qorshahayagu waxa weeyaan inaanu dalkayaga dhisno oo shicib iyo dawladba laga wada qayb qaato ujeedo kale oo aanu lacag u doonaynaana ma jirto.”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.
SDN/QJ-Washington
contact@somalidiasporanews.com