|

Garabka Kulmiye Ee Xukuumaddu Taageerto Oo Uu ka Fashilmay Shir ay Saaka Saxaafadda ugu Qaban lahaayeen Hutel Ambassador

Hargeysa:May,28,2014(SDN/QJ)-Garabka kulmiye ee Xukuumaddu Taageerto  ayaa saaka ay ka fashilantay shir ay saxaafadda ugu qaban lahaayeen Hutel Ambassador, kaas oo looga Gol lahaa in Xubno ka mid ah Guddidii Fulinta ee Muuse Magacaabay ay kaga dhawaaqaan inay iska Casileen Magacaabidda Guddoomiyaha.

xogxogShirkan oo ay abaabulayeen Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiirka Ciyaaraha, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha dhallinyarada, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye iyo Xubno kale oo ayaa udu dambayntii socon waayey markii  xubno ka mid ahi diideen inay warbaahinta ka soo baxaan, iyadoo ku andacoonaya inn Hay’ado madax bannaan oo ay u shaqeeyaan ay ka dhex arki doonaan, taasina ay waxyeello u geysan doonto Shaqadooda.

Inkastoo ay saxaafaduu Goob joog ahayd, Haddana waxa  xubnihii Halkaas joogay isku mari waayeen Qaabka loo Gudbinayo Farriinta la sido, waxana dhammaantood lagu khasbay inay warbaahinta Wajahaan oo aanay cid maqnaan kartaa jirin, isla-markaana aanay cidina cid kale matali Karin.

Muran iyo yoo-yootan dheer kadib waxa  la isla gartay in arrinta dib loo dhigo, isla-markaana la sugo  tallaabooyinka lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac ee xisbigu u kala jabay.

Xubnahaas ayaa markii dambe waayey  wax midaysan oo ay saxaafadda la hor yimaaddaan, waxana Goobta lagu arkayey Xubno ka mid ah Guddidii dhexdhexxaadinta uu Guddoomiyye Saleebaan Gaal u magacaabay, kuwaas oo isku dayey inay Baajiyaan Dhawaaqa garabkaasi maaganaa.

Ugu dambayntii waxa saxaafadda lagu wargeliyey in dib u dhac ku yimi ujeeddadii ay saxaafadda ugu yeedheen, inkastoo aanay sheegin dhibka Haysta, waxana ay Galeen Shir Ballaadhan, kaas oo ay Albaabada u xidheen.

 

SDN./QJ

 

Contact@somalidiasproranews.com

 

Comments are closed