Odayaal ka Soo Jeeda Koonfurta Hargaysa Oo Si Buuxda U Taageertay Musharaxnimada Madaxweyne Siilanyo
Haragaysa: 28,May,2014(SDN/QJ)- Hogaanka iyo Madax dhaqameedka Beesha Abokor Muuse oo ka tirsan Beesha Ciidagale Weyne,ayaa kulan ay ku qabteen Magaaladda Hargaysa waxay kaga dhawaaqeen inay si Buuxda u Taageersanyihiin Musharaxnimada Madaxweyne Siilanyo.
War Qoraal ah oo ay Kulankooda ka dib ay soo saareen oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakdda wararka Caalamiga ah ee Qurbegoog.com,ayaa waxa lagu sheegay inay dhamaan Odayaasha,dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo Wax garadka Beeshu ay si buuxda isku Waafaqsan tahay in Taageero Buuxda loo fidiyo Musharaxnimada Madaxweyne Siilanyo.
Qoraalkaasina waxa uu u dhiganaa sida tan: “ Markii hore Muuse Biixi waxa uu nagula Dardaarmay in Madaxweynaha Maanta loo Codeeyo”.
Caaqail Aabi Caaqil Yare ayaa isaganu sheegay in Maanta madaxweynuhu yahay Qofka ugu mudan ee ay tahay in la doorto,ilaahayna aanu ka baryaynaa inuu khilaafka inaga soo afjaro.
Qoraalkaas waxa ku saxeexnaa:
1-Suldaan Cali Baane
2-Caaqil Aabi Caaqil Yare
3-Caaqil Nuux Maxamuud Xirsi
4-Aqoonyahayn Ibraahim Cali Axmed
Cuqaal iyo waxgarad kale.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com