Madixii dhanka ammaanka shirkadda Tukish Airways ee Soomaaliya oo la Khaarajiyay iyo Madaxweynaha Somalia oo Tacsi u diray
Muqdisho 28.May 2014 (SDN/QJ)- Madixii dhanka ammaanka shirkadda Tukish Airways ee Soomaaliya ,ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho,kadib markii ay kooxo hubaysan oo watay gaadhi Nouh ah kuwaasoo rasaas ku furay sarkaalka oo marayay isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdhisho.
Sarkaalkan oo ay la socotay gabadh Soomaaliyeed oo xaaskiisii ahayd, ayaa waxaa lagu dilay Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisii geystay kooxo hubeysan oo la socday gaadhi nooca dheereeya.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay inay baxsadeen nimankii weerarkan geystay, kuwaasoo uu xusay inaan weli la aqoonsan.
Afhayeenka waxaa kale oo uu sheegay inay wadaan baadhitaanno lagu baadi goobayo kooxdii dilka geysatay,isago sarkaalku ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.
Xilliga sarkaalka dhanka Amniga u qaabilsanaa shirkadda diyaaradaha ee dalka Turkiga la dilay,ayaa la sheegay in aanu wadan wax ilaalo ah ay wada socdeen oo kaliya xaaskiisa .
Dhanka kale Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid marxuum Saadettin Dongan oo u dhashay dalka Turkiga, kaas oo rag bistoolado ku hubaysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska Muqdisho ee shirkadda duullimaadyada ee Turkish Airlines.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, dowladda iyo shacabka Turkiga, wuxuuna Alle uga baryay inuu u naxariisto.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in laamaha ammaanka ee dalku ay ku howlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ciddii ka dambeysay dilka.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta iyo cidda ka dambeysay dilka.
Muqdisho SDN/QJ