IGAD,QM iyo Midawga Yurub oo hanjabaad iyo dalab isu raaciyay madaxda Soomaaliya
New York May 28,2014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobey, Midawga Yurub iyo urur goboleedka IGAD ayaa qoraal ay wadjir u soo saareeen oo ay uga hadlayaan xaalada Soomaaliya waxa ay ku dalbadeen in madaxda Soomaaliya ay dar dar geliyaan xal u helida mushkiladaha Soomaaliya.
Beesha Caalamaka ayaa qoraalkooda raaciyay in ay diyaar u yihiin in tilaabo ka qaadaan cidii loo arko in ay is hor taageyso hour marka Soomaaliya.
“Qalaalasaha siyaasadeed ee Soomaaliya dalka iyo dadkaba uma aha dan,Soomaaliya dib uguma noqon kareyso Colaadihii iyo ismariwaagii u dheexeeyay dhinacyada siyaasada ee dawladihii Soomaaliya eek a danbeeyay 2000 curyaamiyay”ayaa lagu yiri Qoraalka beesha caalamka.
Waxa si gaara ay Qm,EU iyo IGAD si gaara u xuseen in dhaqan gelinta nidaamkii federaalka, qiimeynta Dastuurka iyo diyaargarowga dooroshooyinka 2016 ka ay gebi habsan yihiin.
Qoraalka waxa si gaar ah uu uga dalbaday in Raiisul Wasaare C/weli Sh Axmed uu Goaano deg dega oo lagu sugayo midnimada,amniga,nidaamka federalka iyo Doorashooyinka in uu u qaato.
“ Beesha caalamku waxa ay diyaar u yihiinin ay taageeraan tilaabo walba oo lagu adkeynaya Nabada iyo dawlad dhiska iyo in ay la xisaabtano cid alaale iyo cidii horumarkaa is hor taagto”ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalka Beesha caalamka ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib kolkii weerar ay shaabku ku qaadeen Baarlamaanka Soomaaliya ay ku dileen lab aka mida xildhibaanada.
SDN/QJ-New York
contact@somalidiasporanews.com