Maxkamada Gobolka Hargaysa oo Damaanad Ku sii Daysay Madaxdii Wargayska Haatuf
Hargaysa 27.May 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta dammaanad ku sii daysay Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Tifaftiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cigge, ka dib markii Maxkamaddu ay xadhig rumaan ah u dirtay 10-kii Bishan May kuwaasi oo ku xidhnaa Jeelka weyn ee magaaladda Gabiley.
Labadan Suxufi oo wargeyskooda HAATUF la xidhay 7-dii April 2014-ka, waxa lagu soo eedeeyay inay baahiyeen warar been abuur ah oo ay ka qoreen qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda Somaliland.
Qareenadda u doodaya masuuliyiinta wargeyska HAATUF oo dacwadoodu wali ka socoto maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa ku dooday in wargeysyadda HAATUF iyo Somalilandtimes ay qoreen musuqmaasuq ay galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu.
Maxkammadda gobolka Hargeysa waxay u cayintay in mar kale dhegaysato dacwadda Wargeyska HAATUF 31-ka Bishan May oo ku beegan maalinta Sabtida ee fooda innagu soo haysa. Waxaanay noqonaysaa dhegeysigii saddexaad mudadii ay dacwadani socotay
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com