Maxaad Kala Socota Tirada Godobaha Siyaasadeed Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Galay Reer Gabiley Oo Sabab u Ahaa Kursiga Uu Ku Fadhiyo?
Hargeysa:May 27,2014(SDN/QJ)-Guushii Ballaadhnayd ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku Fuulay kursiga Dalka looga Taliyo waxa kaw ka ahaa, isla-markaana Kaalin muuqata ku lahaa Shacabka ku dhaqan Gobolka Gabiley oo ugu deeqay codad markii la Tiriyey wax aan la rumaysan Karin noqday.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa marii uu Hoggaanka Dalka haaneeday Seeftii uu ku Sadqaynayey Hadhaagii Siddeedda Sanadood ee uu mucaaridka aha aka hortaagnaa Kursiga waxa uu ka Bilaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Taani oo la Aaminsanaa inuu furi u ahaa in doorasho xor ah ahi dalka ka qabsoonto, taas oo lama filaan ku noqotay dad badan.
Waxa uu ku Beddelay Mujaahid Maxamed Jidhif oo ahaa saaxiib xidhiidh dhaw lahaa Madaxweynaha, isla-markaana Xilliyadii mucaaridnimada kulmiye ka soo muuqan jirey Garabka siilaanyo isagoo dirays ku labisan.
Mudane Jidhif oo ahaa Khabiir Militari isla-markaana Ka mid ahaa Saamigii Gobolka Gabiley, ayaa si Fool xun loola dhaqmay, waxana xilkii uu Hayey lagaga qaaday muddo ka yar Afartan maalmood, taas oo kaalinta Labaad ka gasshay gefafkii siyaasadeed uu madaxweyne Siilaanyo ka galay Gobolka Gabiley.
Markii Jidhif xilka laga qaaday waxa bilaabantay Mucaaradad badan oo ka aloosantay Gobolka Gabiley, iyadoo madaxweyne Siilaanyo uu xilligaa Madax ahaa kaliya Hal sano, waxana Gabiley ay mar kale Kaalinta koowaad ka Gashay Goobihii ugu horreeyey ee mucaaridka Siilaanyo bilaaba.
Sanadkii 2012-kii waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Safar ugu amba Baxay Gobolka Awdal, isagoo sii maray Gabiley oo uu xilligaa kala kulmay dhacdo taariikhda Gashay oo ay sameeyeen Shacabka ku dhaqan Gobolkaas oo si aad ugu kacsanaa, una aanaynayey inuu abaabkii ay u galeen baal maray.
Shacabka Reer Gabiley ayaa sameeyey Mucaaradad Xeeladaysan, waxana ay is taxeen Laamiga Badhtamaha Gabiley si loo moodo inay Soo dhaweyntiisa Goobta u joogaan, balse Taas Beddelkeeda markii uu madaxweynuhu soo Gaadhay waxay la soo Baxeen Kabo kuna salaameen.
Madaxweynaha ayaa arrintaas si aad ah uga cadhooday, isla markaana xawaare ku dhaafay Gabiley, isagoo cadhadii la galay Magaalada Borama.
Muuse Biixi oo markaa ka mid ahaa Waftiga madaxweynaha ayaa dedaal dheer ka galay inuu Madaxweynaha iyo Reer Gabiley dhexdhexaadiyo, isla-markaana uu turxaanta meesha taalla Tirtiro, waxana ay soo Noqodkoodii muddo ku qaateen Gabiley Halkaas oo uu muuse ka jeediyey Khudbado tiro badan oo uu Reer Gabiley kaga dhaadhinayo inay Dulqaad la yimaadaan oo aanay sal fudayd muujinin.
Xaraaradii Reer Gabiley xiligaas way degtay, waxase ay kacday Markii Uu Madaxweyne Siilaanyo mar kale si qaab darran Xilkii Wasiirnimo uga xayuubiyey Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaa shakhsi qiimo weyn ka leh Gebi ahaanba Somaliland, taas oo Noqotay Godobtii Saddexaad ee Reer Gabiley ka tirsadaan Madaxweynaha ay codadkii ugu badnaa siiyeen.
Erigii Boobe ayaa dhalisay Xiisad siyaasadeed oo madaxweynaha iyo Gobolka Mar kale dhex marta, waxana la isu caddaystay Cadaawad muuqata, iyadoo taas Beddelkeeda ay Reer Gabiley si weyn u soo dhaweyeen Xisbiga Ucid oo taageerayaal Badan ku dhex yeeshay Gobolkaas.
Godobtii siyaasadeed iyo Xilalkii Reer Gabiley Kaligood laga qaadayey way iska Sii socdeen, waxana muddo yar kadib xilka laga qaaday Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada oo Gobolkaas ka soo jeeday, iyadoo aan la sheegin wax iin ah oo lagu arkay.
Shamacii Mucaaridnimo ee Gabiley ka aloosmay ayaa xawaare cusub yeeshay markii uu Saddex cisho ka hor uu Madaxweyne siilaanyo xilkii Wasiirka Ganacsiga oo miisaan ku lahaa Somaliland kaga qaaday taageero uu muuse Biixi siinayo oo uu ku tuhmay.
Haatan shacabka reer Gabiley waxay ka midaysan yihiin in Madaxweyne Siilaanyo il gaar ah ku eego Masuuliyiinta Gobolkooda ka soo jeeda, isla-markaana aanu u daahin xil ka qaadistooda, iyagoo markii hore ahaa sababtii madaxweynaha kursiga saartay.
Lamaga garan karo kala dheeraanta Madaxweynaha iyo Reer Gabiley meesha ay ku dambayn doonto, waxase la hubaa inaanay caqiibo dambe iskugu hadhsanayn labada dhinac.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
,