Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Wax Ku Noqday Weerarkii Shabaabku Ku Qaadeen Xarunta Shacabka Oo Loo Qaaday Turky-ga
Muqdisho: 26,May,2014(SDN/QJ)- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaawac culus uu kasoo gaadhay weerarkii maalin Maalintii Sabtida Xarakada Al-Shabaab xubno katirsan ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka ayaa laga dhoofiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Xildhibaan Faarax Cawad oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaawac culus waxa uu kasoo gaadhay weerarkii lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka , waxaana Xildhibaankan la dhigay oo labadii maalin ee lasoo dhaafay lagu daweenayay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax Cawad loo qaaday Dalka Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo , waxaana Garoonka ka qaaday Shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airweys.
Xildhibaan Faarax Cawad ayaa dhaawacyo waxa ay kasoo gaareyn qeybo kamid ah jirkiisa , waxaana la sheegay in Xildhibaanku uu qabo dhaawac culus balse miyirkiisu uu fiican yahay.
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in Xildhibaanada iyo Ciidamada Dowlada ee dhaawaca culus uu kasoo gaadhay Weerarkii xarunta Golaha Shacabka in loo qaadi doono dalka dibadiisa si halkaasi loogu soo daweeyo
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com