|

Al-shabaab Oo Gudaha Kenya Dagaal Xoogan Kula Gashay Milatariga Dalka Kenya

Al-ShababLaamuu: 26,May,2014(SDN/QJ)- Xoogaga Shabaab oo  dagaal kula jira Ciidamada Kenya, ayaa waxay maanta weerar ka geysteen deegaanka Lamu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xoogaga Shabaab, ayaa wadada u galay kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya oo ku sii jeeday xadka, iyagoo halkaasi ku gubay mid ka mid ah kolonyadii Ciidamada Kenya wateen.

Shabaabka, ayaa dagaal toos ah la galay Ciidamada Militariga ee Kenya, waxaana Lamu ku dhex maray dagaal hubka cul culus leesku adeegsaday, iyadoo Ciidamada Kenya laga horjoogsaday in ay u dhaqaaqaan dhinaca xadka.

Warbaahinta Kenya, ayaa baahineysa in ay dib u gurteen kolonyadiii ay la socdeen Ciidamada Difaaca ee Kenya, ka daib markii weerar dhaba gal ah, oo ay kala kulmeen mintidiinta Shabaabka.

Saraakiisha Ciidamada Difaaca ee Kenya wax faah faahin ah kamay soo saarin khasaaraha guud ee ka dhashay, weerarka gaadmada  ah ee ay maanta u dhigeen dagaal-yahanada Shabaabka.

Al Shabaab, ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya, waxayna sabab u noqotay hoos u dhaca weyn ee ku yimid dhaqaalihii Kenya ka soo geli jiray dalxiiska.

SDN/QJ-Laamuu

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed