|

Dhaqdhaqaaqyo Militari Oo Puntland Ka Waddo Deegaanada Sool, Masuuliyiin Guubaabo ula Yimi Ciidanka iyo Somaliland Oo Aan Tallaabo Qaadin wali

Garowe:20-April-2014(SDN/QJ)-Ciidamada Puntland eek u sugan Deegaanada ku Teedsan Xuduudda Somaliland ayaa Halkaas ka wada dhaq-dhaqaaqyo iyo diyaar garow  dagaal oo ka dhan ah Ciidanka Qaranka Somaliland ee Halkaasi ku sugan.

XUDISida ay sheegayaan wararka deegaankaas ka imanaya waxa Ciidanka  Puntland ee Halkaas ku sugani ay farriimo ka helayaan Madaxdooda iyo masuuliyiintooda, kuwaa oo ku dhiirrigelinaya inay diyaar u ahaadaan inay qaadaan Weerar ay ku jiheeyaan dhinaca Somaliland oo ay aaminsan yihiin inay dhul ka Haysato.

Maalintii shalay ayey ahayd markii Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore iyo Taliyaha ciidanka Boliska Maxamed Siciid Jaqanaf ay ciidanka xuduudda ku dhaw u yimaadeen iyagoo halkaas ugu jeediyey hadallo badan oo la xidhiidh inay heegan u ahaadaan sidii ay dagaal ula geli lahaayeen ciidanka Somaliland oo ay masaafo aad u yar isku jiraan.

Ciidamada ayaa wixii intaas ka dambeeyey bilaabay dhaqdhaqaaqyo u muuqda inay u diyaargaroobayaan dagaal ka dhan ah Somaliland, waxana sidoo kale tallaabooyinka ciidanka Puntland si dhaw ula socda Ciidanka qaranka Somaliland oo feejignaan iyo heegan buuxa ku jira.

Puntland ayaa ayaamihii ugu dambeeyeyba waxa ay wadday tallaabooyin u badnaa Afka oo ay ku shaacinayso inay diyaar u tahay inay Difaacdo Goobo ciidanka Somaliland Ayaamo ka hor qabsaday oo ay ka mid tahay Degmada Taleex oo ay markii dambe iskaga soo Baxeen.

Sida muuqata Maamulka Puntland ayaa haatan diyaar u ah inay dagaal la galaan Somaliland, waxana Booqashadan madaxdoodu iyo dhaqdhaqaaqyadan ugu dambeeyey-ba ay muujinayaan inay u xadho xidheen sidii ay xaalad colaadeed u agaasimi lahaayeen.

Dhinaca Somaliland  wali wax Hadal ah kama ay soo saarin dhaqdhaqaaqyada Puntland waddo, waxase Muuqata inay Ciidanku diyaar u yihiin sidii ay iskaga difaaci lahaayeen Gardarro kalsta oo kaga timaadda dhinaca Maamulka Puntland.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed