“Inaan wada-hadal la galo maamulka la yiraahdo Jubba iska daaye, marna ma aqoonsan doonno, waxaan la geli doonaa dagaal,” Bare Hiiraale
Kismaayo 19.April 2014 (SDN)- Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale),ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaan(Axmed madoobe)waxaanu nasiib darro ku tilmaamay booqashadii uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku tegay Muqdisho.
Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Col. Hiiraale in magaalada Kismaayo uu ka jiro xasuuq, isla markaana dadka rayidka ah si joogto ah loogu dilo, taasi inta ay jirtana aanay iyagu hubka dhigayn oo ay dagaalka sii wadayaan.
“Inaan wada-hadal la galo maamulka la yiraahdo Jubba iska daaye, marna ma aqoonsan doonno, waxaan la geli doonaa dagaal,” ayuu yiri Col. Hiiraale oo ku tilmaamay booqashada ra’iisul wasaaraha mid nasiib-darro ah.
Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yidhi “Magaalada dadkayagii baa jooga qofkii la dilo, qofkii la dhaco, qofkii la kufsado dhammaan annaga ayay nala soo xidhiidhaan, dadka waa lagu tuntaa waana lagu laayaa Kismaayo.”
Col. Hiiraale, ayaa ku tilmaamay booqashada Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh inay tahay mid aanay filayn oo nasiib-darro ah, isagoo xusay inuu marti u noqday sida uu ydhi koox dadka ku laysa Kismaayo.
“Waa nasiib-darro weyn safarka uu ra’iisul wasaaruhu ku tagay Kismaayo oo uu marti ugu noqday dhinac, isagoo dalka ka ah madax, anagana dagaalka waanu sii wadaynaa mana joojinayno illaa dadka reer Kismaayo xoriyad ka helaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Kismaayo SDN.
Contact@qurbejoog.com