|

Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Punt land oo Maanta soo Gaadhay Deegaanka Tuka raq ee Gobolka Sool,Sheegayna inay isu diyaarinayaan Weerar Somaliland ku soo qaado

Garowe 19.April 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga dowladda Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa maalinkii shalay booqasho ugu tagay ciidanka difaaca ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

TukoTaliyaha ciidanka Booliska Puntland,ku xigeenkiisa iyo saraakiil ammaan ayaa socdaalka wasiirka ee Tukaraq ku weheliyay wuxuna booqday meelaha ay kaga sugan yihiin ciidanka iyo sida ay ugud iyaarsan yihiin in la difaaca dhulka Puntland.

Xasan Cismaan Aloore ayaa ciidanka uu booqday u jeediyay khudbad dhiirigalin ah wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay sidii loo gudan lahaa waajibaadka dalka ka saaran ciidanka iyo iska caabinta weerar kasta oo Alshabab iyo Somaliland kaga yimaada.

Xalay wasiirku waxa uu ku hoyaday Tukaraq taasoo qayb ka ah dhiirigalinta ciidanka jooga goobaha difaaca ee deegaanadda Puntland wuxuna balan qaaday inay xili kasta ka war qabi doonaan ciidanka iyo xaalada ay ku sugan yihiin.

Socdaalka uu wasiirka Amniga Puntland ku tagay Tukaraq oo ay cidanka Puntland ku sugan yihiin ayaa ka danbaysay ka dib markii magalada Taleex ay dhowaan duulaan kusoo qaadeen ciidamo ka socda  Somaliland.

Inkastoo ciidanka Puntland aysan ku sugnayn degmada Taleex haddana wararka soo baxaya ayaa sheegaya dowladdu inay u qorshaysay sidii tilaabo looga qaadi lahaa Imaatinka Ciidamada Qaranka ee  Somaliland.

Geesta kale Warar Xog ogaal ah ayaa Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyay in Wasiirkani Yimid Deegaan u dhow Tuulada Tuko raq oo fadhiisin u ah Ciidamada Qaranka ee Somaliland,Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay sii Kululaanaya Xaraarada Siyaasadeed ee u dhaxaysa Maamul Goboleedka Punt land iyo Somaliland taas oo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayo inuu ku soo Xadgudbay Soohdimaha Maamulkiisa.

Garowe SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed