|

Madaxweynaha Somalia oo Waraaqihii Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Sucuudiga ee Somalia

Muqdisho 19.April 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ee Soomaaliya, Garam Binu Sayid Binu Garam.

Xasan-Sheekh-iyo-Garam-300x200Madaxweynaha ayaa safiirka ku qaabilay aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, wuxuuna kala hadlay danjiraha sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada dowladda Sacuudigu ay siiso dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay dowladda Sucuudiga in ay magangalyo siisay Soomaali badan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Garam Binu Sayid Binu Garam, safiirka cusub ee dalka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyay aqbalaadda safiirnimadiisa, wuxuuna tilmaamay ub dowladda Sacuudiga ay ka go’an tahay inay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed