Ra’iisal Wasaare Cabdiwali oo Todobaad ka dib ku soo Guryo noqday Magaaladda Muqdisho
19,APR.2014(SDN/QJ)- R/wasaaraha Soomaliya, Abdiwali Sh. Ahmed, ayaa maanta dib ugu noqday Muqdisho kadib markii uu todobaad ku dhawaad shirar iyo kulanno kula lahaa Kismaayo madaxda maamulka Juba,odayaasha iyo qaybaha bulshada oo lagaga hadlay dib u heshiin iyo dhammeystirka heshiis hore loo gaaray. Qaar ka mid ah dhinacyada isku hayey arinta Kismayo ayaa sheegay in heshiisyada uu R/wasaraha ka hadlay aysan qeyb ka aheyn.waxaana ay intaas raaciyeen inaan laga qeyb galin shirka Dib u heshiisiinta ee uu Ra’iisal Wasaaruhu uu ka furay Magaaladda Kismaayo.
Dhinaca kale waxa ilaa hadda aan cadayn halka ay ku danbaysay ismarin-waagii u dhaxeeyay Maamulka Jubba iyo Dawladda dhexe eek u aadan Maamulka Deggakadda iyo Madaarka magaaladda Kismaayo.
IGAD waxa ay ku hanjabtay in talaabo laga qaadi doono ciddii ka hor timaad nabadda.
SDN/QJ-Muqdisho