Ingiriiska oo Ku Celisay inay Muwaadiniinteeda uga digto u Socdaalida Somalia oo ay Somaliland ku Jirto
London 19.April 2014 (SDN)- Dawladda Ingiriiska ,ayaa mar kale ku celisay digniintii amni ee ay ka gudbisay Somailand isla markaana sheegtay in magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera loo tegi karo oo kaliy arimo muhiim ah.
socdaalada muhiimka ah oo keliya.
Qoraal uu 17 April soo saaray xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriisku ee FCO, ayaa wuxuu muwaadintooda ugaga digay socdaalada ay ku tagi karaan Somaliya oo dhan oo ay Somaliland ku jirto,
“Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO) wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Somaliya oo ay Somaliland ku jirto marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo uu xafiiska FCO ku talinayo in loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka, waxaanu intaas raaciyay,
“Muwaadin kasta oo ingiriis ah oo ku sugan dhulka Somaliya oo uu xafiiska FCO socdaalkooda ka digayo waa inay ka baxaan. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hageysa iyo Berbera aan u joogin socdaalo muhiim ahi waa inay ka baxaan.”
Ingiriisku wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay inay argagixisadu qorshaynayso weeraro ka dhan ah danaha reer galbeedka ee Somaliland. “FCO wuxuu aaminsanyahay in kooxaha argagixisadu ay qorshaynayaan weeraro ka dhan ah reer galbeedka Somaliland ku sugan.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka digniinta ah.
Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds oo khamiistii la kulmay madaxweyne Siilaanyo ayaa Hargeysa ka sheegay inay xayiraadii amni ka qaadeen Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
London SDN.
Contact@qurbejoog.com