|

Dawladda Kenya Oo Bilowday Carqaladaynta Heshiiskii Kismayo Iyo Ciidankeeda Oo Shuruudo Cusub La Yimi

Kismayo:19-April-2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Kenya Oo Awood badan ku leh Deegaanka Kismayo ayaa la sheegayaa inay bilowday Carqaladaynta Heshiis uu Ra’isal wasaare Cabdiweli Maalintii shalay ahayd kala Dhex dhigay dhinacyada isku Hayaa Halkaas.

 

foreeeeSida ayaa sheegayaan wararka la helayaa ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka Kenya ee Halkaasi ku sugani ay hore ka bilaabeen  inay farogelin ku sameeyaan Tallaabooyinkii Ra’isal wasaaruhu qaaday, waxana ay ku adkaysteen inay Ciidanka ka imanaya Gobweyn oo heshiiska ku jirey in La qarameeyaa ay u baahan yihiin muddo ugu yaraan 14-cisho ah oo ay ku bartaan xuquuqul insaanka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

 

Sarkaalkan ayaa waxaa uu sido kale sheegay in loo bahan yahay  mudada 14 ka casho ah in hubka laga dhiio Ciidamada ka imanaya Gobweyn.

 

Qodobadan uu  la soo shirtagay sarkaalkani ayaa waxaa ay  ahayeen kuwa aan ku jirin heshiiskii  la wada gaadhay  waxaana qodobadani ay u muqdeen kuwa logu carqaladeynayo heshiiski hore loo gaadhay oo dhib badan loo mutay.

Qodobkan uu soo jeediyay Sarkaalkan Kenyan ka ah ayaa waxaa iska diiday Ciidamada Dowlada ee ku sugaan Duleedka Kismaayo waxaayna ku sheegen in qorshahan Cusub u yahay Shirqool lala damacsanyahay aysana marna aqbalayn.

 

Wufuudi kale ee ka kala socotay Dowlada Somalia IGAD iyo Dowlada Itobiya ayaa ayaguna aan xil iska saarin  xalinta qodobkaan oo ahaa mid dulsaar ah oo lagu fashilinayay gusha uu RW Abdiweli ka soo hoyn lahaa arimaha Jubboyinka,

 

Raisalwasaraha Somalia Dr Abdiweli Shikh ayaa maanta lagu wadaa inuu Muqdisho ku laabanto, isagoo ay wali qabyo ka tahay  inuu dhinacyada Kismayo isku Haya Si Buuxda Nabad ay ku wada Qanacsan yihiin u dhex dhigo.

Waxaa sido kale Magaaladaasi iskaga huleelaya Safiirka Itobiya iyo waliba  Ergayga gaarka ah ee Igad u qabilsan arimaha Somalia kuwaas oo ayaga oo  aan ka guul gaadhin safar usbuuc qaatay oo ay ku soo gaadheeen Magaalada kismaayo.

 

 

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed