Magaalada Gaalkacayo oo loo doortay Hogaan Cusub oo Maamuli doona iyo Amaanka oo la adkeeyay
Gaalkacayo 18.April 2014 (SDN)- Gollaha deegaanka Gaalkacyo ayaa galabta doortay hoggaankii mamuli lahaa ka dib doorashada ka dhacday dugsiga farsamda gacanta ee magalada.
Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah ayaa waxaa ku guulaystay Cabdicasiis Jaamac Nugaal halka u xigeenkiisana loo doortay Yacquub Maxamed Cabdalle oo ka mid ah suxufiyiinta Puntland.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxmaed Cali,wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo mamulka Gobalka ayaa doorashada goob joog ahaa waxayna boggaadiyeen nidaamka ay doorashadu ku dhacday.
Gaalkacyo ayaa mudo saddex sano ah moogayd golle deegaan ka dib markii madaxwaynihii hore ee Puntland uu digreeto ku kala diray.
Ammaanka magalada Gaalkacyo ayaa si wayn loo adkeeyay waxana jira howlgalo kala duwan oo ay ciidanku wadaan.
Masuul ka tirsan mamulka Gobalka Mudug ayaa sheegay inay guul tahay helitaanka golle deegaan maadama ay magaladu dhanka hormarka aysan wax muuqda ku tilaabsan.
Inta badan xildhibaanada deegaanka Gaalkacyo ayaa u badan dhalinyaro basle haweenka ayaa walaac ka muujiyay labada xubnood ay ka helleen gollaha deegaanka.