Walaac ay Qaramada Midoobay ka qabto Xadhiga iyo Masaafurinta Somalida ku Sugan Kenya
Muqdisho 18.April 2014 (SDN)- Qaramada Midoobay ayaa shalay walaac ka muujisay xarigga iyo masaafurinta ay dowladda Kenya kula kacday in ka badan kun qof oo qaxooti ah, oo u badan dad Soomaali ah, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo ay dowladdu sheegtay inay kula dagaallameyso argagixisada oo ka dhacay Nairobi.
Muqdisho ayaa shalay dib loogu celiyay 92 qof oo ah kooxdii labaad oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay Kenya, iyadoo 9-kii bishan April la masaafuriyay 82 qof oo kale.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR waxay xaqiijisay inay ku guuleysatay 10 qof oo qaxooti diiwaangashan ah in ay ka badbaadiso in Soomaaliya loo celiyo, inkastoo uu jiro qof diiwaangashan oo la masaafuriyay.
UNHCR waxaa u suuragashay inay tagto garoonka Kasarani iyo saldhigyada booliska, waxaana u suuragashay inay sii deyso dad haystay waraaqaha aqoonsiga qaxootinnimada.
Hay’addu waxay tilmaantay inay jiraan warbixinno sheegaya xadgudubyo loo geystay dadka la xiray, waxaana laga deyriyay nadaafadda garoonka Kasarani iyo saldhigyada booliska oo la buux-dhaafiyay.
Muqdisho SDN.