|

Aragtidii Hoggaamiye Cigaal Ee Qalalaasaha Soomaaliya Iyo Mowduucyo Kale Oo Xiiso Leh, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- Qormada: 2aad

Hargeysa:18-April-2014(SDN/QJ)-Dhaqan ahaan wefdiyada rasmiga ah ee Ururrada waxa la dejin jiray Hotel Ghion. Halkii ayaanu ku degnay. Wefdigii Guurtida waxa lagu dejiyay Hotel Afrique

ereAan u soo noqdo shirkii 2aad ee Maarj 1993kii iyo Addis-Ababa. Saddex wefdi ayaa Somaliland uga aqyb galay: wefdi SNM ka socday oo aan hoggaaminayay, wefdi Guurtida ka socday oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuux, marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo rag kalena ka mid ahaayeen oo 20 xubnood ahaa iyo wefdi ka socday ururrada samo-falka oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xirsi Galow.

Dhaqan ahaan wefdiyada rasmiga ah ee Ururrada waxa la dejin jiray Hotel Ghion. Halkii ayaanu ku degnay. Wefdigii Guurtida waxa lagu dejiyay Hotel Afrique. Waxa aan xusuustaa Cigaal oo galab noogu yimid Hotel Ghion. Waxa uu xidhnaa surwaal boor ah iyo garan bunni madow xiga ah oo ku giigsan. Waxa uu sitay shandad yar oo “samsonite” ah

oo maas ah oo cas. Shandaddaa Boorame waa uu ku haysan jiray, markii uu Madaxweynaha noqdayna xafiiska ayuu ku haysan jiray.

Markii uu Hotel Ghion soo galay annaga oo halkaa degganayn ayuu noo yimid. Hawl ayuu Hotel Ghion u yimid waxa aanay la noqotay inta aanu hawl gelin in uu horto na arko oo noo sheego hawsha uu u socdo, ka dibna ku hawl galo waxa aanu ku heshiinno. Wax la yaab leh ma ahayn. Waa siyaasad iyo caadadeed. Cigaal ma uu jeclayn in aanu meel kale ka maqallo waxa uu wado, bal se waxa ay la noqotay oo uu ku hagaagsanaa in uu nala socodsiiyo hawsha uu u socdo. Intayadii halkaa degganayd ee ahayd wefdiga rasmiga ah ee SNM iyo Cigaal ayaanu meel ku wada fadhiisannay. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Waxa uu yidhi:

“Adeer, waxa aan halkan galabta u imid in aan arko qaar ka mid ah madaxda wefdiyada Ururrada Soomaaliya oo aanu afka is-gelinno inta aan shirka si rasmiya loo furin. Waxa aan doonayaa in aan ku qanciyo haddii ay ila qaataan in shirkani hawlihiisa ku koobo Soomaaliya oo aan shirkan lagu soo qaadin arrinta Somaliland. Sidaa darteed ayaan idiin ku imid si aan idiin la socodsiiyo oo aanan ugu dhaqaaqin wax aydaan la socon.”

 Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha SNM nala ma socon, aniga oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa markaa ahaa madaxa wefdiga SNM oo si ku-meel-gaadh ah u masilayay Guddoomiyihii SNM oo aan goobta joogin. Waxa kale oo jirtay intii aanaan Boorame ka soo ambo-bixin in Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha SNM iyo Madaxweynaha Somaliland uu warqad rasmiya noo soo dhiibay taas oo uu ku soo qoray in uu Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal madax u yahay wefdiyada Somaliland ee shirka ka qayb gelaya.

Aynu ku noqonno Hotel Ghion iyo kulankii gaabnaa ee aanu Cigaal galabtaa la yeelannay. Markii uu Cigaal hadalkii ka baxay naxdin iyo khajilaad ayaa nagu habsatay. Da’dayadii iyo da’dii Cigaal ayaanu isu eegay. Waayo-aragnimadiisii iyo taayadii ayaanu isu eegay. Waxa aanu la yaabnay su’aashan uu na weydiiyay. Haddana is-la markiiba waa aanu garawsannay in ay daw ahayd. Markiiba aniga ayaa hadalkii qaatay:

 “Adeer hawshan aad u socoto waxa aanu u aragnaa mid inoo wada dan ah. Waa hawl aad ku dhaqaaqi karto waxna ka ma qabno. Waxa kale oo aanu kuu sheegaynaa in aanad u baahnayn mar walba in aad noo timaaddo ee marba wixii aad dan mooddo ku dhaqaaq, adiga oo aan nasoo wargelinna ogsoonow in aanu kugula jirno.”

 Miiskii intii aanaan ku kala kicin ayaanu is-la eegnay madaxda wefdiyada ee uu la kulmayo iyo meelaha ay deggan yihiin. Waxa aan ka sii xusuustaa in aanu is-la qaadannay in la arko: Caydiid, Cali-mahdi, Cabdillaahi Yuusuf iyo qaar kale. Hawshii isaga ayaanu u daynay oo ku dhaqaaqay. Galabtaa aanu Hotel Ghion ku kulannay isaga oo ogsoonaa in aan wefdiyada Somaliland wax kharash ah la soo siin, waxa uu nagu yidhi:

 “Adeer, laba kun oo Doollar ayay niman aanu xidid nahay sooryo iigu keeneen ee aan wax idin ka siiyo.”

Mar kale ayaanu haddana naxnay. Waxa aan ku idhi:

 “Adeer, annaga ayaa kaa galaangal roon e‘, iska hayso waxba waayi meynno e‘.”

Shirkii ayaa si rasmiya loo furay. Dhaqan ahaan maalintaa furitaanka shirarku hawl ma qabtaan ee wefdiyada rasmiga ah ee dawladaha, Ururrada Goboleed, kuwa caalamiga ah iyo Ururrada Soomaaliyeed ayaa ereygooda yidhaahda. Markii ay kuwii ajnebiga ahaa hadleen, ayaa waxa dhankii wefdiga SNM fadhiyay u soo dhaqaaqay nin reer Simbaabwi ahaa oo la odhan Liyonaardo Kapuungu oo la-taliye siyaasadeed u ahaa Wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya. Aniga oo madaxa wefdiga ahaa ayuu igu soo dhawaaday isaga oo warqad yar sita. Isaga oo warqaddii ii dhiibay waxa uu ii raaciyay:

 “Waxa aanu jecel nahay in ereygiinna uu yidhaahdo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Soomaaliya ‘Ra’iisal-wasaare’ ka ahaan jiray.”

Intii aanan u jawaabin ayaan warqaddii eegay, waxaana ku qornaa: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ex-Prime Minister. Liyonaardo Kapuungu waxa aan ugu jawaabay:

 “Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in uu halkan ka hadlo waxba kama qabno, bal se ereyga SNM ee shirkan ku wajahan annaga ayaa jeedin doonna goorteeda”.

Goobta lagu shirayay waxa ay ahayd ‘Hall’-ka shirarka ee ECA-da ee ku yaalla Addis- Ababa. Qol bilicsan oo aad looga shaqeeyay ayuu ahaa. Waxa uu ahaa wareeg ama gool badhkii oo kala sarreeya, goob-joogayaasha ioo hay’adaha diblomaasiyadeed ee Addis-Ababa jooga ahaa wareegga ugu sarreeya ayay fadhiyeen. Wareegyada hoose waxa fadhiyay ergooyinka Ururrada Soomaaliyeed oo mid walba warqad magaca Ururka muujinaysaa hor taallay. SNM ahaan waxa aanu fadhinay wareeggaa hoose dacalkiisa bidix, waxaana naga yar shisheeyay oo meel naga yar sarreysa kuraasidan la qaado loo dhigay wefdigii Guurtida Somaliland oo Cigaal ku jiray.

Shirku waxa uu ku furmay ereyo ay meesha ka soo jeediyeen ergooyinkii ajnabiga ahaa. Waxa ku xigay ergooyinkii Ururradii Soomaaliya. Waxa xusuus gaar mudan ereygii uu jeediyay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo markaa ku hadlayay magaca SSDF. Waxa uu kaga duwanaa ergooyinkii kale isaga oo hadalkiisii ku daray soo dhaweyn uu u soo jeediyay SNM, isaga oo yidhi:

“Waxa aanu shirkan ku soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM.”

Shirkii ayaa cabbaar la yar xidhay oo shaah ayaa loo dareeray. Intayadii Somaliland ka socotay ayaa dhowr miis oo isu dhow fadhiisannay. Cigaal aad ayuu u xanaaqsan yahay oo waxa uu ku celcelinayaa:

 “Aniga ayaa u jawaabaya Maxamed Abshir, anigaa u jawaabaya, nimaan aniga ahyni u jawaabi maayo.”

Annagii waa aanu yaabban nahay oo wax turxaan ah kuma aanu arkayn hadalkii Maxamed Abshir ee ahaa waanu soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM. Cigaal waa xanaaqsan yahay. Cabbaar ayaanu isku daynay in aanu dejinno. Waa aanu kari weynay. Mar danbe ayaanu ku nidhi:

“Adeer, SNM annaga ayaa u joogna e’ iska daa waxba ha isku lurin e’”.

Tiisii ayuu ku adkaystay oo ahayd in uu isagu jawaabi doono, annaguna waa aanu iska daynay.

(La soco……………………………………)

S.D.N/QJ

Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed