Yaab: Somalia Oo Ciidamo Nabad Ilaalineed U Diraysa Mid Ka Mid ah Dalalka Afrika Ee Colaaduhu Ka Jiraan
Addis Ababa:18-April-2014 (SDN/QJ)-Sida uu sheegayo War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hayle Mariam Deseglen, waxa lagu gudo jiraa Qorshe ay shan waddan oo ku jirra urur gobaleedka IGAD ay ciidamo u diri doonaan dalka Koonfurta Sudan oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal, kaddib markii dowladda halkaas ka jirta ay ku kaceyn kooxo jabhado ahi.
Wakaalada wararka Turkiga oo soo xigatay warka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ciidanka nabad ilaalinta u diraya Koonfurta Sudan oo xiisado ba’ani ka taagan yihiin.
Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo hadda haya xilka meertada ah ee IGAD ayaa laga soo xigtay in dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Jabuuti ay ballan qaadeen ciidamo nabad ilaalin ah in ay u dirayaan dalka Koonfurta Sudan.
Ra’isal wasaaraha ay sheegay in ciidankan looga gol leeyahay siddii ay nabad uga dhallin lahayeen dalka Koonfurta Sudan oo ay ka taagan tahay dhibaato xooggan.
Ciidanka Soomaaliya oo mar ahaan jiray ciidanka ugu cududa weyn geeska Afrika ayaa hadda noqday ciidanka ugu itaalka daran,waxana Haatan dalka Somalia ku sugan Ciidamo ka Socda Dalalka EGAD, kuwaas oo arrimo nabad ilaalineed u jooga.
Ilaa hadda ma cadda tirada ciidanka Soomaaliya ee loo diraayo dalka ugu dambeeyay adduunka.
Su’aasha la is weydiinnayo ayaa ah siday suurta gal u tahay in dal ay nabadiisii ka shaqaynayaan ciidamo shisheeye uu ciidan u diro dal kale,waxana arrintaas sida loo maareeyo Haatan ku mashquulsa dalalka EGAD oo ay Somalia xubin ka tahay.
S.D.N/QJ
Hargeysa