|

Ma Dhabbaa In Saaka ay Hargeysa Imanayaan Wasiir Xirsi Oo Wata Wafti uu Hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil?

Hargeysa:18-April-2014(SDN)-Warar  aan La Xaqiijin Karin oo ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Saaka  uu Hargeysa Ka soo degi doono Wasiir Xirsi cali Xaaji Xasan oo Horkacaya Wafti uu wato Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Maalintii shalay ilaa iyo xalay wada Hadal  Saacado Badan Qaatay ku Lahaa Magaalada Djibouti.

gareedKulanka dhex maray Wasiir Xirsi cali Xaaji xasan oo ay wehelinayaan Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegay in laga wada Hadlay sidii Garaadka iyo waftigiisa loogu  soo dhaweyn lahaa Magaalada Hargeysa, isla-markaana ay isku Arki lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa isagu ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho oo uu muddo ku sugnaa, halkaas oo ay wada joogeen Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo isaga Qudhiisa la sheegayo inuu dhinaca Somaliland u soo  janjeedhsaday.

Ilaa iyo Haatan lama Garan karo Waxyaabaha laga wada Hadlay iyo sida la isku afgartay, balse waxa xusid mudan in Qaar ka mid ah warbaahintu shaacisay in Garaadka iyo Waftiga la socdaa ay markii ugu horraysay codsadeen in ciidanka laga soo qaado magaalada Taleex oo ay dhawaan galeen, taasna waxa si fudud u aqbashay Somaliland oo ciidamadii ku soo celisay Goobihii ay hore uga ruqaansadeen.

Garaadka iyo wasiirrada ka soo jeeda Somaliland, ayaa si weyn isula jeexjeexay siyaabaha la iskugu soo dhawaan karo, waxana ay wasiirradu garaadka u sheegeen inaanay wax culays iyo cadaawad ah u haynin  dadka deegaankaas ku nool oo ay yihiin dad reer Somaliland ah oo cid kale duufsatay.

Garaadka ayaa isagu Somaliland ku canaantay inay dadkaas dayacday oo ku eegtay calooshood u shqaystaal aan danaha shacabka ka talinaynin,waxana middaas ka garaabay waftiga wasiirrada ah ee halkaas kuu sugan.

Garaad Jaamac Garaad ismaaciil ayaa ahaa isimadii ugu tunka weynaa ee aasaasay Maamulka ma dhalayska noqday ee Khaatumo, waxana markii dambe uu Garwaaqsaday inaan maamulkaasi meelna gaadhi Karin oo loo baahan yahay in talo kale la doono.

Wasiir Xirsi ayaa la sheegayaa inuu waftiga Garaadku Wato  u sheegay inay diyaar ula yihiin waxkasta oo dadkas wax kula qabsanayaan Dawladdooda iyo dadkoodaba, waxanna la isku afgartay in laga wada shaqeeyo sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa oo horumar iyo nabadgelyo loogu abuuri lahaa.

Garaadka ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku baaqay in Deegaanka Taleex uu si nabad ah u geyn doono Ciidanka Somaliland, balse ay haatan ka soo baxaan maadaama ay kooxda uu indha sheel hoggaamiyaa shacabka tusayso sawir ah in lagu soo Duulay.

 kaasoo ka soo kicitimay dhinaca Muqdisho.

Garaad Jaamac ayaa shalay ka soo duulay dhinaca Muqdisho halkaas oo uu ka dhacay burburka ay kooxda khaatumo ku kala dhaqaaqday, isagoo Hargeysa booqasho ku ahaa isla markaana la hadal hayo in ay wasiiradda Somaliland iska raaceen Hargeysa.

Sidoo kale, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ahaa Madax dhaqameedka ugu culus ee Khaatumo taageersanaa ayaa waxa fikirka Somalilandnimada la qaba Cali Khaliif Galaydh, kaasoo hore wadahadal ula furay Somaliland, dhawaana la kulmay qaar ka mid ah Madax dhaqameedka.

Haddii ay saaka Tani dhacdo waxa caddaanaya inuu dhamaaday wakhtigii kooxda Khaatumo, iyadoo la sheegayo  in Garaado kale oo kooxda Miisaan ku lahaan iska dhiibi doonaan Dhinaca Garoowe.

S.D.N/QJ

Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed