|

Ra’isal wasaare Cabdi weli Oo Xalay Soo Afjaray Is Afgaranwaagii Dhexyaallay Maamulka Jubba iyo Dawldda Federalka ah iyo Qoddobada La Isku Raacay

Kismayo:18-April-2014(SDN)-Waxa Saacadihii dambe ee Xalay Horumar laga Gaadhay Wadahadalladii u dhexeeyey  Waftigii Suldanka Beesha Sade, Raisalwasaaraha Somalia iyo Xubno ka socda UN ka, Igad iyo Itobiya ay ku yeesheen Kismaayo.

jubbuWadahadaladan oo socda in ka badan 7 saac oo  xidhiidh ahaa ayaa waxaa Xalay saqdi dhexe lagu heshiiyay Qodobo dhowr ah.

Qoddobada lagu Heshiiyey ee Warbaahinta Soo Gaadhay ayaa kala ah sidatan:

1- In la  dhaqan galiyo Heshiisyadi Addis Ababa iyo Muqdisho

2- In Amaanka magaalada ay la wareegaan ciidamo isku dhaf ah iyo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon iyo Brundi.

3- In Ciidamada Goobweyn ka imanaya ay hubkooda la so galan    ayna yeeshaan  Xaquuq la siman mida Ciidamada hada ku sugan  Gudaha Kismaayo iyo qodoba dhowr ah.

Heshiiskaan ayaa waxaa wada aqbalay  Dhinacyadi kala fadhiyay Gobweyn iyo Kismaayo waxaana maalinta bari ah si rasmi ah magaalada Kismaaayo u soo galaya  Ciidamo 1500 OO askari oo in mudo ahba ku sugnayd deegaanka Gobweyn ee Duleedka Kismaayo.

S.D.N/QJ

Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed