|

“Dalku Ma Aha Hargeysa Iyo Berbera, Somaliland-na Dhammaanteed Waa Wada Nabad” Gudoomiye Xigeenka Waddani

Boorama 17.April 2014 (SDN)- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI ahna ku simaha Gudoomiyaha ee isla xisbigaasi Md. Axmed Muumin Seed ayaa maanta ka dareen celiyay arimo dhawr ah oo maanta dalka ka taagan.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu u waramayay weriye Cabdalle Cali Yuusuf oo ka tirsan Horn Cable TV, waxaanu ugu horayntii dareen Soo dhawayn iyo Saluug isugu jira ku cibiray xayiraadii ay dawlada UK ka qaaday muwaadiniinteeda una sheegtay inay u safri karaan magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa ee dalka Somaliland.

“Waa arrin guul ah in UK ay cadayso in magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa ee Somaliland ay nabadgalyo yihiin, balse waxa aan sheegayaa in dalka Somaliland aanu ahayn labadaasi magaalo, dalkuna yahay Somaliland, gabi ahaanbana yahay mid amni ah, waxase sababay in laba magaalo oo kaliya ay dawlada UK carab-dhabto waxa ay ku tusaysaa in xukuumadu wali aanay u hagar bixin sidii ay dawlada UK ugu qancin lahayd in dalku yahay mid amni ah, waxana aan leenahay waa lagama maarmaan in Somaliland xuduudaheeda oo dhan loo aqoonsado inay yihiin kuwo amni ah, nabaduna ay tahay mid ay dadkeedu dhisteen isla markaana tiir adag ku taagan,” ayuu yidhi Gudoomiye Seed.

Mar kale gudoomiyuhu, waxa uu xukuumada ku dhaliilay sida ay indhaha iyo dhagahaba uga laabatay wax ka qabashada cabashada shacabka ee ka dhanka ah habdhaqanka madaxda xuduuda Lawyacado iyo kuwa kastanka Aasha-cado, waxana uu yidhi “Waxa ka dhacaya Lawyacado iyo Aashacado waa wax laga naxo oo laga murugoodo, waa dhib ay dawladu masuul ka tahay oo dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland ee ka imanaya Djibouti haysta isla markaana gaaadhay in hooyo walba oo jidkaasi maraysaa ay ka cabato, xaalka sidan ah ayaa waxa yaab leh waxa ay xukuumadu dhagaha uga furaysatay, waa nasiibdaro, marar badan ayay xilsideenada bulshadu ka hadleen arintan, isla markaana M/Siilaanyo uu balan qaaday inuu wax ka qabanayo balse waxba lagama qaban, waana nasiib daro”

Isaga oo hadalka sii wata watay waxa uu yidhi “Meesha ay dhibtu ka taagan tahay waxa ay tahay meeshan Lawyacado ah waxa wali jooga shaqaalihii la qoray markii dalka la soo galay, kama dhicin wax isku shaandhayn ahi, sidaasi aawadeed, ragaasi meesha way ku xidhidaysteen, mana gaadhin dawladnimadu sida aan u malaynayo, waxaanse ugu baaqayaa Madaxweyne Siilaanyo in arrintan uu wax ka qabto oo uu hoos u eego.”

Boorama SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed