|

Jubbaland: Ma Eeday Ku Adkaysasha​da In Gedo Lagu Daro Jubbooyink​a?

Waxaa dadka reer Jubbaland iswaydiinayaa xaqiiqada fikradii la yiri waxaa soo jeedisey Dowlada Federaalka oo ahayd in Gedo laga reebo Dowlad Goboleedka Jubbaland, laguna daro Baydhabo iyo Bakool. Warkaan oo xaqiiqadiisa aan la hayn, ayaa la isla dhexmararey waqtigii uu socday waanwaantii Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaankii la magac baxay Ras-kiyamboni oo uu hogaaminaayey Mudane Sheikh Ahmed Islam “Madoobe”.

Waqtigaas hadii ay Gedo ku biiri lahayd Bay iyo Bakool, is qabqabsiga hada jira ma jiri lahayn. Sidoo kalena, waxaa uu maamulkaas noqon lahaa maamulka keliya oo ay qabaa’ilo isku awooda, isku tira iyo iskuna taya degan yihiin. Maamulkaasna uu noqon lahaa mid Gedo uga wanaagsan Jubbooyinka, marka loo eega dhinaca dhaqaalaha, madaama ay Gedo u dhowdahay Bay iyo Bakool.

Si kastaba arintu ha ahaatee, hadii ay fikradaan ay QurboJoogta hada hadal hayaan dhab tahay, waxaa halkaa laga dhadhansan karaa in Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud oo waqtigaa lagu tuhmaayey in uu ka soo horjeeday nadhaamka Federalismka, uu raadinayey hab dheeli tiran oo nadhaamka Federaalka loogu dabaqi karay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana degaanada Jubbooyinka.

Arintaan la hadalhayo iyo kuwo kaleba, waa arimo la gudboon in hogaanka Jubbooyinka iyo Gedo ka wada hadlaan in Gedo ay ka mid noqoto Jubbaland iyo in kale, wixii go’aan ah oo ay gaaraana ay kala xaajoodaan Dowlada Federaalka madaama la gaarey waqtigii la xalin lahaa caqabada hortaagan maamul ay dhistaan Jubbooyinka iyo iyada oo ay dhowdahay waqtigii la bilaabi lahaa samaynta maamul Dowlada Goboleed mideeya dadka Jubbooyinka oo ay Dowlada Federaalka ku qanacsan tahay – Gedo ha ku jiro ama yeysan ku jirine.

Markastana, waa in laga feejignaado, InshaaALLAH, waxa dhalin kara in dad ka raba in Gedo in aysan ka mid noqon Jubbooyinka fikirkooda aan waxyeelo loogu gaysan, kuwa raba in Jubbooyinkana Gedo ku darsantana, iyagana kuwo kale aysan wax yeelin.

Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degena magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Comments are closed