|

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Soo Saartay Amar Hawada Lagaga Saarayo Shabakadda Haatuf.net iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo La Sugayo Jawaabta ay Bixiyaan

Hargeysa:17-April-2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Dhagodhago ayaa la sheegay inuu Soo saaray amar uu Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland  ku amrayo inay Khadka internet-ka ka Xannibaan Shabakadda wararka ee Haatuf.net.

haateWarqadda uu Guddoomiyuhu qoray ayaa la geeyey dhammaan xafiisyada Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland, taas oo lagu farayo inay fuliyaan amarkaas Maxkamadda ka socda.

Shirkadaha isgaadhsiinta ayaan wali ga’aan ka qaadanin qoraalka u yimi, waxana laga sugayaa  hannaanka ay uga jawaabaan Waraaqdaas ooh ore nooceeda loo arag ee uga timi Maxkamadda Dhegaha Nugul ee uu horjoogaha ka yahay Faysal Dhagodhago.

Qoraalka rasmiga ah eek a soo baxay kaxkamadda ayaa loo diiday inay warbaahintu aragto, waxase taas xaqiijiyey Mulkiilaha Xukuumaddu Dagaalka kula jirto ee wargeyska  Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Waa markii koowaad ee ay Xukuumadda Somaliland talaabo noocan oo kale ah qaado, haddii ay fushana waxay noqonaysaa in ay si sahal ah u xidho Mareeg kasta oo Baahisa warar aan iyada Raalligelinin sida ay Haatanba u xidhay Wargeysyo madax Bannaan oo sharci ku soo bixi jirey.

Mareegta Haatuf ay ku leedahay barta Internet-ka ayaa wali shaqaynaysa, waxana si weyn loogu baahiyaa wararkii lagu Baahin jirey wargeyska ay Xaruntiisii xerada Ciidanka u beddeshay, iyadoo ay ayaamahan dambe xukuumadda dhegeheeda ka bateen wararkaas shabakadda ku baahayaa.

S.D.N/QJ

Hargeysa

Timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed