91-Qof Oo Soomaali ah Maanta Lagu Wado In Muqdisho Laga Soo Dejiyo
Muqdisho:17-April-2014(SDN/QJ)-Waxa lagu wadaa inay Maanta Garoonka Aadan Cadde International Airport ka soo Degaan Qaybtii labaad ee Soomaalida laga soo Mustaafurinayo Nairobi.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador. Mohamed Ali Ameriko oo isagoo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta la hadlay Idaacada BBC, ayaa wuxuu sheegay in saaka ay celinayaan Soomaali gaadhaysa 91-qof.
Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadkan sharcidaro ay ku joogeen gudaha dalka Kenya, sidaasi awgeedna dalkooda Hooyo loo celinayo, waxaana dadkaan ay isugu jiraan Hooyooyin, Caruur, Dhalinyaro iyo dad da’ ah sida Safiirka uu xaqiijiyay.
Waa qeybtii labaad Soomaali lasoo musaafuriyay oo dalkooda Hooyo maanta lagu soo celinayo, waxaana dadkan laga soo dhexsaaray Soomaalida ku xidhan Garoonka Kasarani iyo xarumo kale oo Saldhigyo Booliis ah.
Gabadh kamid aheyd dadkii laga siidaayay Garoonka Kasarani Stadium, ayaa BBC usheegtay in lacag lagu soo daayay kaliyana ay halkaasi ku xidhnayd hal habeen, markii waalidkeeda lacag ay bixiyeena lasoo daayay.
Waxa ay ka sheekeysay tacadiga Garoonka loogu geysanayo dadka Soomaalida ah, iyadoo tilmaamay in waxa meesha ka socda ay yihiin wax aad u xun oo aan loo dulqaadan Karin.
Todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Soomaali gaaraysa 82-ruux oo dalka Kenya laga keenay, waxaana Dowladda Kenya ay horay usheegtay inay dib ucelinayso Soomaali gaadhaysa 4,000 oo qof.
Soomaalida sharcidarrada ku joogta dalka Kenya ayaa Haatan aad u jecel in la soo celiyo, maadaama ay tacaddi iyo dhibaato badan ku qabaan Ciidanka halkaas jooga oo si weyn xabsiyada ugu dhex garaaca.
S.D.N/QJ-Hargeysa
Contact@qurbejoog.com