|

Ethiopia Oo Cali Waran-cadde Fartay Inuu Abaabulo Mooshinno Xilka Lagaga Qaadayo Maayarka Gabiley Oo ay Godob Ka Tirsanayaan

Hargeysa:17-April-2014(SDN/QJ)-Madaxda Dawladda Ethiopia ayaa cadaadis Ku saaray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland inuu Riixo Mooshino Xilka lagaga Qaadayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley oo lagu Eedeeyey inuu tacaddi u geystay Saraakiil Ethiopian ah oo Kala-baydh lagu qabtay.

ooreTallaabada saraakiishan Ethiopian-ka ah lagu fatashay, ayaa waxa si weyn uga Biyo diiday Madaxda Dawladda Ethiopia, waxana ay taasi keentay in xabsiga lagu guro ciidan iyo saraakiil sarsare oo Gobolka gabiley u qaabilsan Xukuumadda Somaliland.

Xadhiga masuuliyiinta Gobolka Gabiley, ayaa wali taagan, waxana Haatan Arrintu isu Beddeshay in la Abaabulo dagaal ka dhan ah Guddoomiyaha  Golaha Degaanka Gabiley oo lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa Baadhitaanka iyo fatashadaadda loo geystay masuuliyiinta Ethiopian-ka ah ee halkaas marayey.

Wararkii ugu dambeeyey ee Arrintaas la xidhiidha ee Ethiopia ka soo Baxay ayaa sheegaya in Wasiir Cali waran-cadde lagu wargeliyey inuu tallaabo ka qaado Guddoomiye Shacayb oo si adag uga qayb qaatay tallaabadaas ay saraakiisha Ethiopian-ka ahi dhibsadeen.

Wasiirka ayaa lagu wargeliyey inuu ugu yaraan abaabulo mooshino meesha lagaga saarrayo Maayar Shucayb markii lagu waayey Kiis lagu xidho, waxana haatan la bilaabay weerar dhinaca warbaahinta ah oo maayarka lagu qaaday.

Maayarka ayaan wali isagu ka hadlin arrimaha la xidhiidha eedaha loo Haysto, waxana uu ku Hawllan yahay kaliya shaqadiisa uu ka hayo Deegaanka Gabiley.

Somaliland ayaa mar hore raalligelin ka Bixisay Tallaabada saraakiisha Ethiopian-ka ahi sheegteen, balse taasi ma noqonin mid ay ku qanacdo Dawladda Ethiopia oo awood badan ku leh Somaliland, waxana haatan la wadaa Diyaarinta iyo isku dubbaridka Dambiyo qiil lagaga dhiganayo xil-ka-qaadis lagu sameeyo Maayarka Gabiley.

S.D.N/QJ-Hargeysa

Timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed