Ciidamo ku Abtirsada Qaramada Midoobay Oo Maanta Muqdisho Imanaya iyo Ujeeddadooda
Muqdisho:17-April-2014 (SDN/QJ)-Qaarka mid ah Saxaafadda Dunida ayaa sheegaya inay Maanta Magaalada Muqdisho iman doonaan Cutubyo ciidan ah oo ka socda Dalka Uganda kuwaas oo Magaca Qaramada midoobay ku Hawlgeli doonaa.
Ciidamadan ayaa waxaa dalbaday wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nick Key kaddib markii sannadkii horre weerar lagu qaaday xafiisyada QM ee Muqdisho.
Ciidamadan imman doona Muqdisho ayaa loo xidhi doonaa koofiyad ay ku qoran taahy astaanta Qaramada Midoobay, waxaana shaqadooda ay ahaan doontaa in ay ilaaliyaan shaqaalaha iyo xafiisyada QM ee Soomaaliya oo aanay ku filnayn ciidanka AMISOM oo hawlo kale mashquul ku ah.
Ciidankan cusub oo ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa afar boqol oo askari waxaana ay howshooda ahaan doonaa ilaalinta xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Xafiisyada QM ee Muqdisho waxaa ilaaliya ciidamada AMISOM in kastoo ay jiraan tiro aan badneen oo ciidan ah oo lataliyaal u ah saraakiisha QM ee ka howgala Soomaaliya.
Dhinaca kale, Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in ciidamo gaar ah oo ka socda Uganda in loo diri doono magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ay qaramada midoobay ciidanka ku abtirsada ku keenayso Somalia, ayaa looga Gol leeyahay in la sugo ammaanka Gebi ahaanba Goobaha ay qaramada midoobay kaga sugan tahay Magaalada Muqdisho oo inta badan ay kooxaha Dagaalka ka wada Somalia ay bartilmaameedsadaan.
S.D.N/QJ-Hargeysa
Contact@qurbejoog.com