Bangiga Barclays oo ogolaaday in mudo gaaban uu siiyo xawaaladaha Soomaalida
London April 17,2014(SDN/QJ)- Bangiga Barclays ayaa ka dib maxkamad dheer waxa uu u ogolaaday xawaaladaha Soomaalida in uu siiyo wakhti ay ku helaaan Bank kale oo u qabta adeegii uu u hayay mudada dheer.
Barclays ayaa ahaa Bank qura ee lacagaha Xawaaladaha Soomaalida waxaaney in mudo ahba doonayeen iyaguna in ay xiraan ka dib kolkii dawladaha reer Galbeedku ay adkeeyeen shuruucaha haga Bangiyada.
Dawladaha reer Galbeedka ayaa Bananka ku soo rogay shuruuc adag oo lagu micneeyay in lagu xakameynayo lacagaha loo diro dalalka ay ku sugan yihiin kooxaha argegixisada.
Shuruucda ayaa Baananka ku takhsiiraya malaayiin dollar hadii lagu helo in uu lacag uu ka qabtay Xawaaladaha oo ku danbeeyay gacamaha
Soomaalida iyo hay’adaha caalamka ayaa aad uga qeyliyay markii Barclays tiri waxaan cawda u jaraynaa
Adeegaha ay u qabtaan xawaaladaha Soomaalida.
SDN-London
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com