|

Madaxweynaha Somalia muxuu ka yidhi Xiisadda Magaaladda Taleex?

 

16,Apr.2014(SDN/QJ)-Madaxweynah Dawladda Federaaliga ah ee Somalia,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay aragtida Xukuumadiisa eek u aadan Xiisadaha ka soo kordhay Gobolka Sool gaar ahaana,Magaaladda taleex.

War qoraal ah oo uu la laga soo saaray Xafiiska Madxeynaha yaa waxa uu u dhignaa sida tan:“Aad iyo aad bey noo dhibeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si aan micno laheyn. Xaaladda waa in la dejiyaa oo ugu yaraan lagu soo celiyaa sidii ay aheyd maalmo ka hor inta aysan collaadaha cusub bilaaban si wadahadalka iyo nabadeynta fursad loo siiyo.

Siyaasadda Dowladda ayaa ah in in Dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taasna waxey ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo is tixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta Amniga muwaaddinka”

SDN/QJ-Muqdisho,Somalia

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed