Dawlada Wadaaga ah ee Britain oo ku kala qeybsamay in Qaadka la joojiyo
London April 01,2014(SDN)-Wasiika arrimaha guddaha Britain Theresa May ayaa diidmo kala kulantay mid ka mida wasiirada dawlada oo u qaabilsan hirgelinta shuurcda maandooriyeyaasha ka dib kolkii uu diiday in uu Qadka u aqoonsado Maandooriye.
Wasiirka la dagaalanka maandooriyeyaasha oo ka tirsan Xisbiga Liberalka oo la yiraahdo Norman Baker ayaa u sheegayTheresa May in aaney jirin cadeeymo muujinaya in qaadku yahay maandooriye.
Warrika arrimaha Guddaha Britain Theresa May ayaa masuuliyada in la dhaqan geliyo joojinta qaadka u xilsaartay wasiirka la dagaalanka denbiyada Karen Bradley.
Dawlada Britain oo ah mid ay wadaag ku yihiin xisbiyada Conservative ka iyo Liberalka ayaa u nuuqda in ay ku kala duwan yihiin in qaadku yahay maandooriye iyo in kale.
Soomaalida ku nool Britain ayaa mudo qudhoodu ku kala qeybsanaa in qaadka laga mamnuuco dalka Britain.
SDN-London