|

Madaxweyne Xasan oo Kulamo Xasaasi ah la Yeeshay Maamulada lagaga dhawaaqay Baydhaba iyo Weriyihii HCTV ee Baydhaba oo Jidh Dil loo Gaystay

Baydhaba 31.March 2014 (SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta la kulmay siyaasiyiin iyo odayaal ka kala socda maamullada dhawaan magaaladaas looga dhawaaqay.

Xasan-Sheekh-iyo-Jawaari-300x199Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay ismari waagga siyaasadeed ee magaalada ka jira iyo sidii labada dhinac ee labada maamul kala dhistay la isugu soo dhaweyn lahaa.

Ma jirto ilaa hadda warar faahfaahsan oo laga helay shirka oo la sheegayo in uu wali socda, iyadoo la filayo in saxaafadda war laga siiyo marka uu soo gabagaboobo.

Dhanka kale dibax-baxayaal careysan ayaa la sheegayaa in ay jirdileen wariye Cali Ilyaas Cabdullaahi oo ka tirsan telafashanka Horn Cable TV, iyadoo wariyaha laga soo xigtay in uu la kulmay hanjabaado dhinacyada magaalada isku hayo ay u soo jeediyeen.

Baydhabo ayaa lagaga dhawaaqay maamul goboleedyo is-diiban oo middina uu lix gobol yahay, kan kalana saddex gobol loo sameeyey.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed