Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Jidkii ugu Muhiimsanaa ee Magaalada Boorama
Boorama 31.March 2014 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici ayaa furay waddo laami ah oo laga hirgaliyey gudaha degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Waddada oo dhererkeedu yahay 1.5 km ayaa waxaa hirgalinteeda iska kaashaday dowladda hoose ee Boorama iyo hay’adda Habitat ee caawisa mashaariicda horumarinta.
Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Boorama, Sulymaan Xasan Xaddi oo ka hadlay furitaankii waddada ayaa sheegay in waddadu tahay midda ugu muhiimsan waddooyinka magaalada, ayna kaalin wanaagsan ka qaadanayso habsami u socodka hawlaha bulshada iyo bilicda magaalada.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa dowladda hoose ee Boorama ku ammaanay dadaalka iyo wax qabadka ay muujisay, wuxuuna ku boorriyey inay labo laabaan dadaalkooda dhinaca horumarinta.
Boorama SDN.
Qurbejoog@gmail.com