Xaakim ku eedeeyay Muslimiinta in ay aaminsan yihiin in ay xaasaskooda garaaci karaan oo raali gelin bixiyay
Dublin Mar 31,2014(SDN)-Xaakim dhegeysanayay dacwad lagu soo oogay nin Soomaali ah oo lau eedeeyay in uu u dhacay aqalka haweeney ay kala tageen ayaa laga soo xigtay hadalo meel ku dhac ku ah muslimiinta.
“Waxaan u maleynayaa in Muslimiintu in ay dareensan yihiin in ay xaasaskooda garaaci karaan”ayuu yiri xaakimku xili lagu gudo jiray dhegeysiga dacwada Khadar Yonis.
Kooxaha u ololeeya xuquuqaha dadka soo gelootiga ee dalka Irland ayaa maalmihii u danbeeyay dalbanayay in xaakim Anthony Halpin uu raaligelin ka bixiyo gefkaasi.
Xaakimka ayaase ka dhgo adeygay ilaa wasiir ka tirsan xukuumadu uu dalbaday in oraahdaa laga saaro meesho.
“Todobaadkan waxaan ku hadaaqay hadal gef ah oo muujinaya in muslimiinta aan u arko dad xun,waxaanse doonayaa in aan sheego in aan ka xumahay arinkaa waxaan codsanayaa in la I caiyo”ayuu yiri xaakimku ugu danbeyntii
Reer Galbeedka ayaa sanadihii u danbeeyay dareen sas ah ka qaaday muslimiinta dalkooda ku sii badanaya waxaana sii kordhaya falalka noocan ah ee muujinaya in ilbaxnimada reer galbeedku sheegto la buun buuniyay.
SDN-Dublin
contact@somalidiasporanews.com