|

Masar oo la mudeeyay xiliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Gen El-Sissi oo isa sharaxay

Qahira Mar 31,2014(SDN)-Doorashooyinka madaxtooyada dalka Masar ayaa loo qoondeeyay in ay qabsoomaan dhamaadka bisha May guddida doorashooyinka dalkaasi ayaa sheegay in doorashooyinku laba wareeg noqon doonaan.

Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii u horeeyay ee dalkaasi Masar ka dhaca ka dib kolkii afganbi xilka looga tuuray madaxweyne Maxamed Morsi oo ahaa hogaamiyihii u horeeyay ee ebid dalkaasi six or ah loogu doortay.

Hogaamiyihii ciidamada afganbiga geytay Gen Abdel-Fatax El-Sissi ayaa sheegay in uu u taagan yahay xilka madaxweynenimada dalkaasi.

Sida ay ku soo waramayaan xeel dheereyaasha siyaasada Masar waxa lagu wadaa in El-Sissi uu ku guuleysto xilka madaxweynaha dalka Masar.

El-Sissi ayaa iska casilay hogaanka ciidamada Masar si uu isugu taago madaxtinimada,kala qeybsanaanta mucaaridka ka niyad jabay dimuqraadiyada dalka iyo Masar oo qarka u saran burbur ayaa fursad u siiin doonta El-Sissi guul.

Masar ayaa waxa ku dhintay in ka badan 400 oo isugu jira police iyo ciidamda kale intii ka danbeysay afgenbigii Morsi.

Ma cada halka xaal sal dhigi doono doorashooyinka ka dib bacdamaa aan la garaneyn doorka ciidamada Masar ku yeelan doonaan doorashooyinka iyo siyaasada dalkaasi.

SDN-Qahira

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed