|

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socday Shirkad Chine’s Ah

Garoowe Mar 30,2014(SDN)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Chaina shirkadaas oo lagu magcaabo Chaina Civil Engineering ConstructionCorporation oo loo soo gaabiyo CCECCax,

Shirkaddasi oo horey Dr Cabdiweli ugula soo kulmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti kadib safarkii uu dhowaan dalkaasi ku tagay.
Wafdiga dowladda Shiinaha ka socday CCECC waxaa hogaaminyay RUI Chen iyo Allen Lee oo ah kaaliyaha madaxweynaha shirkaddaasi CCECC.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo masuuliyiinta shirkadda CCECC waxaa ay ka wada hadleen qaabkii loo horu marin lahaa wax ka qabashada dhinacyada wadooyinka, dekedaha ,garoomada diyaaradaha,biyo xidheenada iyo wax soo saarka macdanta.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhoweeyey masuuliyiinta ka socday shirkadda CCECC , tilmaamayna in Puntland ay garab kusiinayso tallaabo kasta oo shacabka wax loogu qabanayo.

Halka dhinaca shirkadda CCECC ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyaan mashaariic wax tar u leh dalka iyo dadka reer Puntland, isla markaana ay danaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Puntland.

Kulanka oo qaatay mudo saacado ah ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad , iyadoo kulanka ka dibna uu Dr Gaas qado sharaf u sameeyay masuuliyiintaasi ka socday Shirkadda CCECC.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed