|

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo Baydhaba kaga Daba Tagay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa u dhaxaya Baydhaba

Muqdisho 30.March 2014 (SDN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan ayaa u duulay Baydhabo gelinkii dambe ee maanta  halkaasoo uu horay ugu sugnaa Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud.

JawaariProf. Jawaari ayaa waxa safarka ku wehlinaya xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo wararka hoose ay sheegayaan in uu Baydhabo u tagay sidii uu Madaxweynaha ugu suurogelin lahaa inuu kulamo la yeesho Maamulka Baydhabo looga dhawaaqay oo ah kuwo iska soo horjeeda.

Madaxweynaha DF ayaysan u suurogelin maanta inuu la kulmo Dhinacyada isku haya Baydhabo, iyadoo markii uu Madaxweynuhu ka dagay Garoonka Baydhabo uu la kulmay soo dhaweyn iyo Dibadbaxyo looga horjeedo.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa markii uu ka dhoofayay Muqdisho aan wax war ah siin saxaafada, iyadoo caawa ay Madaxweynaha iyo isagu dadaal u galayaan sidii ay ula kulmi lahaayeen Maamulada Iska soo horjeeda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga dhawaaqay bishan March laba maamul oo mid ka mid ah uu Madaxweyne u doortay Madoobe Nuunow oo horay xildhibaan iyo wasiir u soo noqday, iyado maamulkan uu matalayo 6-gobol oo ku yaala Koonfurta iyo Galbeedka Somalia.

Maamulka kale oo isagana ka kooban 3-gobol ayaa waxay iyaguna Madaxweyne u doorteen Maxamed Xaaji C/nuur oo ay walaalo yihiin Shariif Xasan, iyadoo labada maamul uu soo dhexgalay khilaaf aad u weyn, waxaana maamulkan abaabulkiisa lahaa Xil. Shariif Xasan Sh. Aadan.

Xildhibaanada la socda Prof. Jawaari ayaanu ka mid ahayd Xil. Shariif Xasan oo lagu waday in Maanta uu tago Baydhabo, iyadoo Madaxweynaha iyo Afhayeenku caawa ay ku hoyan doonaan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

President_HassanGeesta kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu caawa ku sugnaan doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo maanta gaaray, isagoo aan weli wax kulan ah la qaadan maamullada halkaas laga dhisay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo shir jaraa’id ku qabtay goor-dhow magaalada Baydyabo ayaa sheegay inuu caawa joogo doono madaxweynaha Soomaaliya, uuna kulammo yeelan doono.

 

“Qorshaha socdaalka madaxweynaha waa sidii uu ugu kuurgeli lahaa howl-gallada ka socda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya,“ ayuu Aadan Saransoor ku sheegay shirkiisa jaraa’id. Iyadoo wararkii hore lagu sheegay in qorshaha socdaalka ee uu Baydhabo ku tagay Baydhabo ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa maamullada iska-soo-horjeeda ee magaaladaas laga dhisay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wafdigiisu ka mid yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda ayaa waxay barqo-nimadii maanta gaaray Baydhabo, iyagoo weli ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed