Nin ku dhintay qarax ka dhacay Xaafada Eastleigh ee Magaalada Nairobi
Nairobi 30.March 2014 (SDN)- Nin loo maleynayo inuu farsameynayay walxaha qarxa ayaa ku dhintay qarax ka dhacay guri ku yaalla xaafadda ay Soomaalida u badan tahay, Eastleigh ee Nairobi.
Sarkaal ka tirsan booliska Nairobi oo lagu magacaabo Barasa Wabomba ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ninka ku dhintay qaraxa uu isku xir-xirayay oo uu tijaabinayay walxaha qarxa ee ku qarxay asaga.
Saddex nin kale oo ku sugnaa goobta qaraxa lagu farsameynayay ayaa la sheegay inaanayn waxba ku noqon qaraxa, kuwaas oo cararay qaraxa kaddib.
Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.
Nairobi SDN.
Qurbejoog@gmail.com