Magaalada Baydhaba oo amnigeeda aad loo adkeeyay Xili uu Madaxweynaha Somalia Soo Gaadhay
Baydhaba 30.March 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ahaa wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee gaaray magaalada Baydhabo.
Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay.
Rabshado ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada, kuwaas oo u dhaxeeya taageerayaasha labo maamul oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada.
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo la filayaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiinta gobolka, saraakiisha ciidanka, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada.
Booqashadani waa tii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Baydhabo ku tago, laga soo bilaabo markii gacan ku haynta degmadaas lagala wareegay Xarakada Al-shabaab.
Waxayna kusoo aadeysaa xilli ay dhowaan soo gaba gaboobeen shirar is khilaafsan oo lagu soo dhisay labo maamul oo midkood uu saddex gobol ku saleysan yahay midka kalena lix gobol, labadaas maamul oo mid kastaa uu sheeganayo inuu hoggaamin doono Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed oo qayb ka noqon doona Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog@gmail.com