|

Madaxweynaha Somalia oo Saaka Soo Gaadhay Xarunta Gobolka Bay ee Baydhaba

Baydhaba 30.March 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ahaa wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee u duulay Baydhabo.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay.

Rabshado ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada, kuwaas oo u dhaxeeya taageerayaasha labo maamul oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada.

Dib  ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa faahfaahinta safarka madaxweynaha ee Baydhabo.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed