|

Xukuumadda Somaliland oo Ictiraaf ka baadi-doonaysa Tuulo yar oo Ku taala Dalka Ingiriiska oo ay dabada ka riixayaan shakhsiyaad Magac ku raadinaya Dhaq-dhaqaaqyo ololeysan oo Madhalays ah

London Mar 2014(SDN)-Maalintii Shaley ee bishu aheyd 27/03/2014 ayaa warbaahinta mareegaha websate yada lagu baahiyey in Somaliland ay aqoonsaneyso Tuula yar oo kutaala dalka Ingiriiska taasi oo ay ka dambeeyaan shakhsiyaad ku raba inay ku hantaan Aduun,xil iyo Olole ay Xukuumada Siilaanyo ku galeyso doorasho cusub kaasi oo markale Siilaanyo doonayo inuu is sharaxo.
Xukuumada Siilaanyo ayaa ah mid iyadu caadeysatey ubeen sheegida shacbiga Somaliland taasi oo ay maanta keentey ka dib markii ay shacbiga ka aragtey in ay tidhi waxa Somaliland Citiraafeysa tuulo yar oo ka mida dalka Ingiriiska waana wax laga xishooda dhawaaqani.

Dadka aqoonyahanka ee kunool Uk ayaa arintani ku noqotey wax ama kaaga iyadoo ay dadku isweydiiyeen in Sheffield ay tahey dal ku yaala Map ka Caalamka oo aaney aheyn Tuulada ay yaqaanaan ,hase ahaatee waxa mardambe ucadaatey in ay sheegayaan tuuladaasi ku taala dhulka Ingiriiska.

Arintan ayaa la yaab sii noqotey kadib markii uu baahiyey Tvga SLNTV ee ku hadla afka xukuumada kaasi oo ka xakameysan bulshada inteena kale oo aan loo ogoleyn . Ilaa hada caalamka kama dhicin tuulo citiraafta dal aqoonsi doona taasi oo ah wax lala yaabey.

Shabakadan Caalamiga ah ee Rasmimedia yaa isku taxaluujisey inay Ogaato sababta arintan keentey waxaana Cadaatey in Xukuumadda Somaliland ay Ictiraaf ka baadi-doonayso Tuulo yar oo Ku taala Dalka Ingiriiska oo ay dabada ka riixayaan shakhsiyaad Magac ku raadinaya Dhaq-dhaqaaqyo ololeysan oo Madhalays ah.

Isku soo wada duuboo waxa tuuladaa laga sameyn doonaa isku soo baxyadii muujinta ee ahaa in ay Somaliland Citiraaf dooneyso tahayna dowlad lasoo noqotey madaxbanaanideedii taasi oo horey uga dhicijirtay Wadamada qaarada Yurub badidood oo ay ugu dambeysey kii lagu qabtey dalka Biljimka  Bishii 4/2013 kaasi oo lagu hortagey Xarunta Baarlamaanka Yurube ee ku taala magaalada Baraasolis oo lagu cadeynaayey in caalamku citiraaf siiyo Somaliland.

Hooska daawo sida Jaahilnimada ah ee arintan tvga SLNTV  u baahiyey taasi oo ah mid ay ku jirto Jaahilnimo iyo umada iyo shacabka Somaliland oo caqligooda laga dhigayo wax lagaliyo wixii la doono ama la rabo.

Comments are closed