|

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dawlada Federaalka oo looga yeedhay baarlamanka Hortiisa

Muqdisho 29.March 2014 (SDN)- Wasiiradda Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga DF ayaa maanta 29.March.2014 Mooshin laga geeyay Baarlamaanka Somalia, si su’aalo looga weydiiyo arimo la xiriira Howlgalada ka socda dalka iyo Amaan-darada ka jira Gobolada dalka iyo Muqdisho.

Baarlamanka SomaliaMooshinkan oo ay diyaariyeen 15 xildhibaan ayaa waxay u gudbiyeen Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan [Jawaari] kaasoo maanta kaga dhawaaqay Kulan uu yeeshay Golaha Shacabka.

C/llaahi Goodax Barre iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayuu sheegay Jawaari inay u diri doonan warqad loogu yeerayo si su’aalo loo weydiiyo,wuxuuse Afhayeenku xusay in Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay aysan kusoo lifaaqin su’aalaha la doonayo in la weydiiyo.

“Wasiirada waan u yeeraynaa, su’aalaha la weydiin doonana waxay noqon doonaan kuwo ka imaan doona baarlamaanka, madaama xildhibaanada Mooshinka keenay aysan wax su’aalo ah soo gudbin” ayuu yiri Jawaari.

Labadan Wasiir ayaa waxay mas’uul ka yihiin Amniga dalka iyo Sidii shacabka ku sugan goobaha laga saaray Al-shabaab loo gaarsiin lahaa gargaar looguna dhisi lahaa maamulo sii hogaamiya inta ay iyagu maamulo ka dhisanayaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadlayay Xildhibaanada ayaa sheegay in looga baahan yahay inay howlo dheeraad ah qabtaan kal-fadhigan iyo kan xiga si ay u gaaraan bartilmaameedkooda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho.

“Xildhibaanada waxaan kula talinayaa inay howshooda laba jibaaraan si howlaha na horyaala aan u soo gabanayno xili howleedkeena oo xilli kooban uu ka dhiman yahah” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Baarlamaanka DF.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay kula xisaabtami doonaan howlaha ay qabato oo dhan, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dhaqaalaha Bankiga dhexe ku jira uu ku bixi karo oo keliya Amar ka yimid Guddiga Maaliyada Golaha Baarlamaanka Somalia.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed