Laba Wasiir oo Somaliland ka Socda oo gaadhay Dalka Australia iyo Nuxurka Safarkooda
Australian 29.March 2014 (SDN)- Wasiirka arimaha dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr: Sacad Cali Shire ayaa gaadhay Dalka Australia, halkaas oo ay shirar kula yeelan doonaan wasaarada arimaha dibada ee dalka Australia (The Australian Department of Foreign Affairs and Trade (DFAT).
Booqashada weftiga wasiiradda dawlada Somaliland oo ah mid hawl shaqo oo keliya ah isla markaasna ay dalkaasi ku sugnaan doonaan mudo 10 maalmood oo keliya ah, ayaa waxa soo dhaweeyey Jaaliyadda Somaliland ee Dalkaasi ( Somaliland Australian Friendship Foundation.)
Mr Bali shire oo ku hadlaya afka ururka Somaliland Australian Friendship Foundation ayaa ka hadlay booqashada labada wasiir ku tageen Dalkaasi waxaanu yidhi “ hadaanu nahay jaaliyada reer Somaliland ee dalweynaha Australia waxay booqashadani noo tahay farxad weyn oo aan la soo koobi karin isla markaasna aan sinaba loo qiyaasi karin.
Waxaan ugu horeyn halkan uga mahad naqaynaa madaxweynaha Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Somaliland madaxiisa Alle ha raaje, His Excellence Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo” oo noo soo ogolaaday in ay nasoo booqdaan isla markaasna ay wakhtigoodii qaaliga ahaa noo soo huraan labadan masuul ee culculus ee miisaanka weyn ku leh Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa, mahadnaq aan la soo koobi karin, wasiir Xuseen Abdi Ducaale, The Right Hon. Hussein Abdi Dualleh. The Minister of Energy and Minerals. oo ah wasiirkii laba jeer oo isku xiga na soo booqday sanadkii ina dhaafay isla markaasna ku soo dhiiri geliyey in weftigan culus ay maanta dalkan Australia iyaguna soo booqdaan.
Australia SDN.