Daalibaan oo Weeraro Ba’an ku qaaday Xarunta Doorashinka Qaranka Afqaniztan
Kabul 29,march,2014 (SDN)-Dagaalyahano si xoog ah u hubaysan,ayaa maanta oo sabti weerar ba’an ku qaaday Xarunta Doorashooyinka Qaranka oo u dhaw Magaaladda Kaabul ee Wadanka Afqanistaan.
Weeradan,ayaa la sheegayaa inay Gaysanayaan Xoogag ka tirsan Ururka xag-jirka ah ee Daalibaan,oo iyagu Dagaalo Hubaysan kula jira Ciidamadda Shisheeye ee waddanka ku sugan iyo Kuwa Afgaanistan.
Dhinaca kale Weerardan Xoogan,ayaa ku soo beegmaya hal usbuuc uun ka hor Wakhtiga loo maldanyahay in Wadanka ay ka qabsoomaan Doorashooyinka Dhinaca Madaxtimnimadda ee Dalku.
Wadankan,ayaa tan markii ay Galeen Ciidamadda Shisheeye ee uu Hor baadayay Wadanka Maraykanku waxa uu Lugaha lagay Dagaalo iyo Weeraro aan dhamaad lahayn.waxaana dhawr jeer guul-daraystay isku dayo lagu doonayay in Wadanka looga abuuro Dibu-Heshiisin Qaran.
Kabul,SDN.
Contact@somalidiasporanews