|

Qaramada Midoobey oo canbaareysay Goaankii Kenya ku dalbatay in Soomaalida dib ugu noqdaan Xeryaha Qaxootiga

Geneva  Mar 29,2014(SDN)-Hay’ada Qaramada Mideebey u qaabolsan Qaxootiga ayaa dhaleeceysay goaankii ay dawlada Kenya uga dalbatay qaxootiga dalkooda ku sugan in ay dib ugu noqdaan xeryaha loo qoondeeyay.

Hay’ada ayaa sheegtay in qaxootigan u badan Soomaalida ee faray in ay ku xaroodaan xeryaha buuxdhaafay in ay keeni kareyso caqabado kala duwan.

“Waanu fahamsan nahay baahida Kenya u qabto sugida amnigeeda ,balse in si isku wada qaad ah loo yiraahdo qaxootiga dal gaar ah ama qoomiyad gaara ka baxa magaalooyinka waa takoor” sidaa waxa yiri Adrian Edwards.

Dawlada Kenya ayaa goonka ay ku dalbeyneyso in Soomaalidu xeryaha qaxootiga ku noqoto soo saartay kadib kolkii ay koox hubeysani weerar ka fulisay magaalada Mombasa todobaadka horaantiisii.

Kenya ayaa amaankeedu faraha ka baxay intii ka danbeysay farogelin ay ku sameysay Soomaaliya sanadii 2011kii.

SDN-Geneva

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed