|

Maaamulka Axmed Madoobe Oo Si Buuxda U Taageeray Maamulka Saddexda Gobol Ee Baydhabo Lagaga Dhawaaqay

Kismayo:28-March-2014 (SDN)-Hal maalin kadib markii Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo lagaga Dhawaaqay Maamulka Saddexda Gobol ka kooban, ayey Maamulka Jubba land ku dhawaaqeen Aragtidooda ku aaddan Maamullada laga dhisayo Baydhabo.

???????????????????????????????Maamulka Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah u sheegay inay Taageero buuxda siinayaan Maamulkan Cusub ee Saddexda Gobol ah, waxana ku sheegeen inuu yahay mid sharci ah oo dadka deegaanku dhisteen.

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ee Jubba Ibraahim Baajuun ayaa sheegay inay si aad ah usoo dhaweynayaan maamulkaasi, ayna la shaqeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Mr Baajuun, ayaa cadeeyay in maamulka dhawaan laga dhisay Baydhabo ee seddexda gobol uu yahay maamulka saxda ah ee gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada maamulkaasi inay la shaqeeyaan dhankooda maamulka Jubba si  Ammaanka iyo wana Noolaanshaha Deegaanadaasi u noqdaan qaar sugan.

Maamulkan cusub ee Shalay lagaga Dhawaaqay Baydhabo, ayaa waxa si weyn u taageersan Dawallada Federalka ah ee Somalia, waxase aan meesha ka maqnayn in Maamulka iyo Jubba iyo Dawladda aanu xihdiidhkoodu Haatan wanaagsanayn oo uu Meel xun marayo.

D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed