|

Xanuun Aan La Garanayn Oo Saddex Qof Ku Dilay Deegaanka Tawfiiq Ee Gobolka Mudug

Muqdisho:28-March-2014(SDN)-Cudur aan ilaa iyo Haatan la Aqoonsan ayaa la sheegayaa inuu Degmada Tawfiiq ee Bariga Gobolka Mudug ku Dilay Saddex qof Oo Shacab ah.

???????????????????????????????Cudurkan ayaa la sheegayaa in Muddo Laba Toddobaad ah Halkaas lagu Arkay, iyadaa iyo Haatan ay Tiro dad ahi u jiifto ka sokow inta u dhimatay.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamuud Nuur oo kamid ah Nabadoonada Degmada Tawfiiq, ayaa sheegay in degmadaas uu ka dilaacay cudur aan la garaneyn oo wali ku sii Fidaya Dadka Deegaankaas. .

 

Nabadoonka ayaa sheegay in ilaa iminka cudurkan ay u dhinteen Saddex Qof, Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Puntland uu ka dalbaday in arintan ay wax ka qabato

 

Wasaarada Caafimaadka ee Maamulka Puntland ayaa dhankeeda waxay balan qaaday inay ku dadaali doonto wax ka qabashada cudurkan lagu arkay degmada Towfiiq kaas oo ilaa iminka galaaftay inta la ogyahay nolosha saddexda qof.

Xanuunkan ayaa Dadka arkay ay ku sheegayaan inuu kaliya leeyahay Xumad Badan oo qofka ku keenaysa inay Awooddiisu Lunto, isla muddo gaaban dabadeedna uu Miyirkiisu is beddelayo

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed