|

Dhammaanba Masuuliyiintii Dawladda Federalka u Joogay Degmada Afgooye Oo Xilalkii Laga Qaaday iyo Kuwo Cusub oo La Magacaabay

Muqdisho:28-March-2014 (SDN)-Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii loga xayuubiyay dhammaan masuuliyiintii mamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

 

afgWareegtadan xil ka qaadista ah ayaa waxaa ay ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya mudane C/laahi Goodax Barre.

 

Waxa lagu sheegay Wareegtadan in Madaxdii  haysay maamulka degmada Afgooye meesha laga saaray kadibna kuwa cusub la magacaabay.

 

Wareegtada ayaa lagu xusay in loo baahan yahay mar walba isbedal inuu dhaco si looga dhabeeyo himilooyinka ay xukuumadda Dr. C/wali Sheekh leedahay.

 

Masuuliyiintii xilalka laga qaaday waxa ay kala yihiin:-

 

C/laahi Iideey oo ahaa guddoomiyihii degmada Afgooye

 

Ku xigeenkiisa Mahdi Axmed Xasan

 

C/laahi Toogare oo ahaa Taliyihii ciidamada  deegaanka

 

Macalow oo ahaa madaxii arrimaha bulshada ee Afgooye

 

Nuuradiin Shukri oo ahaa masuulkii qaabilsanaa Dowladda hoose

 

Isla Wareegtadan ayaa Xubno Cusub loogu Magacaabay Xilalka Bannaanaaday, waxana Xaaji Gaabow  loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha degmada Afgooye, ku xigeenkana waxaa loo magacaabay Xuseen Jabriil, Arrimaha bulshada waxaa laga dhigay Ismaaciil Carab.

 

Isbeddelkan marka kaliya la is raaciyey Masuuliyiintan Tirada badan, ayaa Dadka shacabka ahi ku sheegeen inuu muujinayo in Deegaankaasi guud ahaanba u baahday in si weyn wax looga Beddelo, iyadoo Haatan ka horna ay cabashadau si weyn ugu badnayd

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed